Safiirka Maraykanka Ee Soomaaliya Ambassador Stephen Schwartz Ayaa La Kulmay Guddoomiyaha Koomiishanka Somaliland Kalana Hadlay Arrimo Xasaasi Ah

0
Sunday July 02, 2017 - 04:28:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Maraykanka Ee Soomaaliya Ambassador Stephen Schwartz Ayaa La Kulmay Guddoomiyaha Koomiishanka Somaliland Kalana Hadlay Arrimo Xasaasi Ah

    Wuxuu Kala Hadlay Geedi Socodka Diiwangelinta iyo Qabsoomidda Doorashooyinka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu Kala Hadlay Geedi Socodka Diiwangelinta iyo Qabsoomidda Doorashooyinka Somaliland
Sabti 01 July 2017 Hargeysa (HALBEEG)-- Danjiraha dawladda maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Stephen Schwartz oo usbuucani soo gaadhay magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa ayaa maanta (shallay) kulan xasaasi ah kula yeeshay xarunta koomiishanka doorashooyinka qarranka ee caasimadda Hargeysa guddoomiyaha guddida koomiishanka doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iiman Warsame.


Kulanka oo aan warbaahinta loo ogolayn, ayaa sida xogo ay shabakadda HALBEEGNEWS ka heshay tibaaxayaan uu danjirahu kala hadlay guddoomiyaha koomiishanka hawsha diiwangelinta iyo siday uga madax bannaanyahiin faragelinta xukuumaddu ku samaynayso arrimaha doorashooyinka Somaliland.

Danjire Stephen Schwartz ayaa xogtu iftiiminaysa dardaaran aad u xoog weyn ka siiyay guddoomiyaha koomiishanka doorashooyinka qarranku inay ka fogaadaan faragelin kasta oo xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye ku sameeyaan qaabka doorashooyinka Somaliland u qabsoomayaan, haddii kale ay taasi keeni doonto in dalka maraykanku uu canbaarayn doono natiijadda doorashada ee ay soo saarayaan.

Dhinaca kalana Guddoomiye Iiman ayaa dhinaciisa ballan qaaday inay koomiishan ahaan ka go'antahay inay dhex u noqdaan xisbiyada ku loolamaya doorashada, wuxuu sheegay inay doonayaan inay sameeyaan guddi madax bannaan oo uruurin doonta haddiiba ay dhacdo faragelino hawshooda lagu sameeyo, isagoo sheegay inaanay taasi u dul qaadan doonin.

Halbeegnews, Hargeysa
contact@halbeegnews.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
Advertisement