Mudane Madaxweyne Qalinkaagu Waakan Qabanta Beelaha Isaaqa, Harti , Samaroon, Ciise, Iyo Fiqshini Hawiye ?Ee Muxuu U Qaban Laayahay Qabiilka Muuse Dhariyo Mise Adigaan U Quudhayn ?

0
Friday April 17, 2015 - 11:41:41 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 79
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudane Madaxweyne Qalinkaagu Waakan Qabanta Beelaha Isaaqa, Harti , Samaroon, Ciise, Iyo Fiqshini Hawiye ?Ee Muxuu U Qaban Laayahay Qabiilka Muuse Dhariyo Mise Adigaan U Quudhayn ?

    Asalamu Calaykum Waraxmatulahi Wabarakato, Marka Hore Waxa Aan Salaamayaa Dhammaan Warbaahinta Xorta Ah Ee Reer Somaliland Iyo Akhristayaasha Sharafta Badan Iyo Dhammaan Bulsho Weynta Reer Somaliland Bacdal Salaan, Waxaan Qalinka U Qaatay Inaan Wax K

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalamu Calaykum Waraxmatulahi Wabarakato, Marka Hore Waxa Aan Salaamayaa Dhammaan Warbaahinta Xorta Ah Ee Reer Somaliland Iyo Akhristayaasha Sharafta Badan Iyo Dhammaan Bulsho Weynta Reer Somaliland Bacdal Salaan, Waxaan Qalinka U Qaatay Inaan Wax Ka Qoro Ama Ka Idhaahdo Mawduuca Aan Ciwaanka Uga Dhigay Maqaalkaygan
"Mudane Madaxweyne Qalinkaagu Waakan Qabanta Beelaha Isaaqa, Harti , Samaroon, Ciise, Iyo Fiqshini Hawiye ?Ee Muxuu U Qaban Laayahay Qabiilka Muuse Dhariyo Mise Adigaan U Quudhayn ?

Beesha Sheikh Muuse Dhariyo Waxa Yihiin Qabiil Kaalin Mug-Leh Bulshada Reer Somaliland Waa Farsamo Yaqaanka Dalka, , Waxay Ay Xor Ka Yihiin Dawarsiga, Shaxaadka, Iyo Khalkhal Galinta Amniga Umadda Ku Wada Noolaanshaha Dadowga Reer Somaliland, Waa Bulshada Kaliya Ee Nabada Somaliland Ku Caano Maasho Maalin Kaliya Aan Laga Sheegin Wax Khal-Khal Nabad Galiyo Ah Waa Dad Ku Qanacsan Dalkooda Iyo Dadkooda Taageersana Dawladnimdoowda Iyo Jirtaanak Somailand, Haddaba Waxaan Is Weydiiyaa Oo Aan Ka Fikiraa Markasta Maxay Bulshadaasi Muuse Dhariyo U Heli Weyday Agaasime Waaxdeed, Gudoomiye Degmo, Gobol, Gudoomiye Maxkamadeed, Xoghaye Dawleed, Gudoomiye Komishanada Madax Banaan, Maayir, Gaashaanle Sare, Xildhibaan Gole Deegaan, Xildhibaan Golaha Wakiilada, Gudoomiye Waaxdeed, Agaasime Guud , Wasiir Dawlde, Wasiir Kuxigeen, Iyo Wasiir Midna Aan Ku Lahayd Somaliland, Waa Ayaan Darada Ina Haysta Gaar Ahaan Xukumada Hadda Joogta Waayo Intaasba Xaq Ayey U Leeyihiin Waaney Jiraan Rag Badan Oo Gudan Kara Hawshaas Balse Ma Garanayo Waxaa Sababayu Looga Qadiyay Xilkaas. Beesha Muuse Dhariyo Waxa Mudan Tahay Ixtiraam, Qadarin,Karaamo Soo Dhawayn Iyo Iwm.


Waxaan Ku Soo Gunaandaya Maqaalkaygan Inuun Hadii La Doonaayo Cadaalad Iyo Sinaan Inay Kuwada Noolaadan Reer Somaliland Waa In Miiska Wada Hadalka Iyo Talada Dalka Laga Qayb Galiyo Bulsha Weyntan Muuse Dhariyo Ee Dulman Beeshaas Oo Ah Dalkan Beeshii Loogu Yimid Oo Beel Walba Oo Reer Somaliland Ah Ka Muddan Ka Qayb Galka Talada Dalka,

Waxaan Ku Sooo Gabagabaynaya Qoraalkaygan Xukumada Madaxweyne Siilaanyo, Waxaanu Ka Rabnaa Cadaalad Iyo Sinnaan , Waxaan Ka Sugaynaa Inay Ilaaliso Saami Qaybsiga Beelaha U Dhashay Somaliland Oo Dhamaan Saami Qaybsiga Beelaha Dalka Ay Beel Welibana Uga Dhexmuuqto Saamiga Iyo Talada Dalka Somaliland

Wabilaahi Taqwfiiq

Mohamed Abdi Jama

Mohamedudoode@Hotmail.Com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
Advertisement