Waa Sidee Xaaladda Caafimaad Ee Madaxweyne Siilaanyo, Ma Dhabba In Madaxweynaha Xaalad Caafimaad Markii Todobaad Dalka Ingiriiska Loo Soo Qaadayo Bisha August, Maxaase Ka Jira In Madaxweyne Ku Xigeenku Codsaday Inuu Siilaanyo Is Casilo Awoodda Lagu Soo Wareejiyo

0
Thursday July 27, 2017 - 01:26:51 in Wararka by
  • Visits: 340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Sidee Xaaladda Caafimaad Ee Madaxweyne Siilaanyo, Ma Dhabba In Madaxweynaha Xaalad Caafimaad Markii Todobaad Dalka Ingiriiska Loo Soo Qaadayo Bisha August, Maxaase Ka Jira In Madaxweyne Ku Xigeenku Codsaday Inuu Siilaanyo Is Casilo Awoodda Lagu Soo Wareejiyo

    Golaha Wasiiradda Oo U Kala Qaybsamay Seddex Qaybood, Qayb Muuse Taageersan, Qayb Madaxweyne Ku Xigeenka Taageersan Iyo Qayb Qoyska madaxweynaha La Socota

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wasiiradda Oo U Kala Qaybsamay Seddex Qaybood, Qayb Muuse Taageersan, Qayb Madaxweyne Ku Xigeenka Taageersan Iyo Qayb Qoyska madaxweynaha La Socota
Khamiis 27 July 2017 Hargeysa (HALBEEG)-- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee hadda wakhtigu ka dhamaaday Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa todobadii sannadood ee uu Somaliland hogaankeeda hayay, waxaa uu la daala-dhacaayay xanuun madaxweynaha si kadis ah ugu soo booday markii uu ahaa musharaxa madaxtinimada sannadkii 2010 kii.

Sida ay sannadkii 2011-kii ay shabakadda HALBEEGNEWS u xaqiijiyeen xubno aad wakhtiga ugu dhawa madaxweyne Siilaanyo, madaxweynaha ayaa isagoo ku jira ololahii doorashada ee xilka madaxtinimada sannadkii 2010 kii bishii April waxaa ku dhuftay xanuunka loo yaqaano qalalka fudud (Mini stroke), iyadoo madaxweynaha qayb ka mid ah labadiisa dhinac uu ku yaraaday dhaq dhaqaaqa iyo dareenku, taasi waxay marka sababtay in si aan la tabin loo geeyo cisbitaal ku yaalla dalka magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.


Madaxweynaha ilaa intii uu ku jiray ololahii doorashada iyo markii loo doortay xilka madaxtinimada ilaa wakhtigani oo uu dhamaystay xilkiisii madaxtinimo wuxuu madaxweynahu qaadanaayay dawo ah nooca la isku muddo oo loo yaqaano (alteplase injection), dawadaasi oo madaxweynaha ka caawinaysay in xinjiro dhiig ah oo xididka dhiiga maskaxda u geeya ku fadhiistay ay ka khafiifiso, balse sannadkii 2012-kii ayaa haddana madaxweynaha waxaa xaaladiisa caafimaad gashay waji cusub, waxaana ku bilaabmay ilawshiyo farabadan, madax xanuun, daal aad u farabadan iyo weliba inuu mararka qaarkood hadalku ka soo bixi kari waayo.

Sannadkii 2012-kii markii doorashadii golahayaasha deegaanku dhamaatay, ayaa madaxweynaha loo soo qaaday magaalada London, iyadoo loo keenay inay suurtagal tahay in qalliin lagaga sameeyo madaxweynaha madaxa, si xinjiraha ku fadhiya madaxu wax looga qabto, balse sida xogtu ay HALBEEG u xaqiijisay dhakhaatiirta madaxweynaha ayaa u sheegtay in xaaladiiisa caafimaad darteed uu yaryahay jaaniska uu ku badbaadi karo, haddii qalllinka lagaga sameeyo madaxweynaha madaxa.

In ka badan 10 jeer ayaa madaxweynaha loo qaaday waddamada Kenya, Hongkong, Ingiriiska iyo maraykanka, muddo todoba jeer ah ayaa madaxweynah la keenay London, si loola tacaalo xaaladiisa caafimaad.

Maxaa Ku Soo Kordhay Xaaladda Madaxweynaha

Bishii May ilaa horaantii bisha Ramadaan, ayaa madaxweynaha waxaa xaaladiisu gashay marxalad kale, iyadoo madaxweynahu dareemay dawakhaad farabadan, iyo hadalka oo ku dhaga, garashada madaxweynaha ayaa gaadhay meeshii ugu hoosaysay, iyadoo xogta HALBEEG heshayna loo xaqiijiyay in xita mararka qaarkood aanu madaxweynahu kala garan cuntada hor taalla ilaa loo fidiyo mooyaane, taasi waxay keentay in lagula taliyo madaxweynaha inuu meel cimilo kulul tago, madaxweynaha ayaa muddo ku siman 28 maalmood wuxuu joogay dalka Emirateka carabta, iyadoo muddo laba jeer ahna loola cararay cisbitaal.

Sidee Marxaladda Caafimaad Ee Madaxweynahu U Saamaysay Hab Maamulkii iyo Hogaanka Qarranka

Sida xubno aad ugu dhaw dhaw xarunta madaxtooyadu ay HALBEEG u xaqiijiyeen, go'aan madaxweyne oo uu madaxweynahu si rasmi ah u gaadha waxaa ugu danbaysay sannadkii 2012-kii, wixii ka soo bilaabma sannadka 2012-kii, dhammaanba go'aanadii ka soo baxaayay xarunta madaxtooyada Somaliland ha noqoto isbedeladdii lagu samaynaayay golaha xukuumadda ilaa heer gobol, siyaasadahii kala duwana iyo amaradii kala danbeeyey, waxay ka soo fulayeen marwadda u dhaxday madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Maxamuud JIrde (Weris) oo kaashanaysa danjiraha u fadhiya Somaliland dalka Emirateka Baashe Cawil oo u ah madaxweynaha sodog, labadooda ayaa tallada ugu danbaysa ee lagu maamulo qarranku ka soo go'aysay, waxaana fullinta lahaa wasiirka madaxtooyada oo markii hore ahaa Xirsi Cali Xasan, imikana uu xilkaasi hayo Maxamuud Xaashi Cabdi.

Maxay Ka Dhigtay Golaha Wasiiradda

Xubnaha golaha wasiiradda qaarkood weligood madaxweynaha indho kamay qaadin, halka qaarkoodna aanay weligood madaxweynaha isku keliyaysan, waxay taasi keentay in xilka xafiiska wasiirka madaxtooyadu uu noqdo xafiis awood badan oo la mid ah ka raysal wasaaraha, taasi waxay ku keentay qarrankii khal-khal siyaasadeed oo 26 kii sannadood ee Somaliland jirtay ay noqotay markii ugu horaysay taariikhda ee silsiladdii maamulka qarranku uu kala furfur baaxadda leh ku yimaado.

Waxaan habayaraate wada shaqayn buuxda ka dhexayn hogaanka xisbiga Kulmiye ahna musharaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo wasiiradda ka tirsan golaha wasiiradda oo mid weliba dan gaar ah meel gaar ah u wato.

Siday U Kala Qaybsanyahiin Golaha Wasiiraddu

Golaha wasiiradda ayaa u kala qaybsan seddex qaybood, qaybta koobaad waxaa hogaamiya wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo gacanta ku haya dhaqaale aad u balaadhan, waxaana ujeedadooda koobaad tahay in ay awood siyaasadeed mustaqbalka ku goostaan intaan wakhti xileedka madaxweyne Siilaanyo dhamaanin, si kale haddaan u dhigno ma kala jecla Kulmiyo iyo WADDANi iyagu waxay doonayaan inay hantiyaan awood siyaasadeed oo u sahasha inay tallada dalka mar labaad ku soo noqdaan.

Warar xogogaal ah oo HALBEEG heshay ayaa tibaaxaya in Maxamuud Xaashi Cabdi uu heshiis hoose la gallay guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Fasyal Cali Waraabe, kaasi oo ah in lagu wareejiyo xisbiga UCID, si doorashada 2022-ka uu Maxamuud Xaashi Cabdi uu u noqdo musharaxa xilka madaxtinimada Somaliland.

Qaybta Labaad: waa qayb taageersan guddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo damac kaga jiro inay golaha wasiiradda marlabaad ku soo noqdaan, waxaana ka mid ah marwada madaxweynaha Somaliland laftigeeda Aamina Maxamuud Jirde, wasiirka warfaafinta Cadaani, wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, wasiirka waxbarashada Cabdilaahi Habane, wasiirka gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami iyo xubno la mid ah, wasiiraddaasi badankood ma wada socdaan, laakiin midba gaarkiisa ayuu doonaya inuu iska dhaadhiciyo musharaxnimada Muuse Biixi Cabdi si mustaqablka aanu uga dhicin tareenka siyaasadda.

Qaybta seddexaad: waa qayb hadhaa ka ah unug uu hore u samaystay wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo iyagu u jooga gudaha golaha wasiiradda iyo haayadda dalka sidii ay caqabad ugu noqon lahaayeen musharaxnimada Muuse Biixi Cabdi, waxay si dadban ula shaqeeyaan Xirsi Xaaji Cali Xasan oo masuul ka ahaa inay xilalka hayaan, inkastoo badiba xubnahani dhawr jeer golaha wasiiradda dibadda laga dhigay, haddana tiro badnidooda awgeed ayey weli ku jiraan dawladda.

Waxaa soo raaca qayb afraad oo aan badnayn, awood siyaasadeedna lahayn, balse badanka ku tiirsan xarunt madaxtooyada oo iyagu olole ugu jira sidii madaxweyne Siilaanyo haddiiba uu is casilo loogu wareejin lahaa xilka madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo Ma Is Casilaya

Madaxweynahu isagu war iskama hayo sidaanu qarrankaba uga war hayn, tallada is casilaadiisu waa mid ka go'da marwadiisa iyo wiilka u sodog ah, balse waxaa jira dedaalo xoogleh oo uu si weyn uga shaqeeyey madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, muddadii uu ku simaha madaxweynaha ahaa ee uu madaxweyne Siilaanyo dalka ka maqna, dhawaan ayaa xarunta madaxtooyada waxaa ka dhacay kulan ay si dadban u yeeshen odayaal isku dhaf ah oo ka soo kala jeeda gobolada Awdal iyo Beriga magaalada Burco, kaasi oo la doonaayay in lagu qanciyo qoyska madaxweynahu in madaxweyne ku xigeenka tallada dalka si rasmi ah loogu wareejiyo si taasi u sahasho in doorashadu si hufan u dhacdo.

Muuse Biixi Cabdi Ma Aqbalaya Arrintani

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, oo imikana u ah Muuse Biixi Cabdi musharax madaxweyne u xigeen oo awoodda qarranku ku soo wareegta waxay ku noqonaysa musharaxnimada Muuse Biixi Cabdi laf dhuun gashay, waxay taasi meesha ka saari karta musharaxnimadiisa, Cabdiraxmaan Saylici oo madaxweyne noqdana wuxuu awood u heli kara inuu dalka geliyo xaalad deg deg ah maadama madaxweynahii is casilay, taasi oo u gogol xaadhi karta inuu isagu noqdo musharaxa madaxweynaha xisbiga Kulmiye.

Arrintaasi waxaa dagaal weyn ka galay Muuse Biixi Cabdi oo u arka carqaladda ugu weyn ee ka hor iman karta, balse sida ilo xogogaal ahi tibaaxayaan madaxweyne ku xigeenka laftigiisa Cabdiraxmaan Saylici ayaa wuxuu dedaalkani gacan kaga hellaya wiilka uu Siilaanyo sodoga u yahay oo dhawaan ay kulan ku yeesheen magaalada Abu Dhabi.

Wararka arrimaha doorashooyinka ku saabsan HALBEEG waxay idiinla socodsiin doonta si joogta la soco dhawaan

Halbeegnews, Hargeysa
contact@halbeegnews.com









Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
Advertisement