MADAXWEYNE BACDA IYO QAADKA KEEBAA HALIS AH W/Q: Hamse Bashe Muhumed (H.shaadhey)

0
Sunday July 05, 2015 - 12:00:46 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 62
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE BACDA IYO QAADKA KEEBAA HALIS AH W/Q: Hamse Bashe Muhumed (H.shaadhey)

    Waxaan la soconaa in Maanta qasriga madaxtooyada Somaliland ay kasoo baxaday wareegto madaxweyn oo madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mud.Axmed siilaanyo ku dhawaaqay in muddo 120 cisho gudahood lagaga cidhib tiro isla markaana lugu dabar jaro, wax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan la soconaa in Maanta qasriga madaxtooyada Somaliland ay kasoo baxaday wareegto madaxweyn oo madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mud.Axmed siilaanyo ku dhawaaqay in muddo 120 cisho gudahood lagaga cidhib tiro isla markaana lugu dabar jaro, wax alaale wixii bac ah ee dalka gudihiisa ku jira.
Hadaba maqaalkan yar ee kooban waxaan kaga hadli doonaa is barbar dhiga Bacada iyo Qaadka, Isla markaana waxaan dhinacayada faaidada iyo waxyeelada ka eegi doonaa labadan shay.

Faaidada Bacada:

Waa weelka qudha ee bulshada suuqa ka iibsataa ay ku qaataan, isla markaana waa qayb daruuri ku ah bulshada dhaxdeeda, Waxaa ka ganacsada dad aad u badan oo danyar ah, isla markaana ma jirto weel kale oo bedelkiisa ah oo dalka ka shaqeeya.


Bacadu caqli ahaan waa tan ugu muhiimsan ee aaladaha wax lugu rito, lugu qaato, isla markaana laga ganacsado.

Faaiddo darada Bacada:

In kasta oo shay kasta oo faaido lihi uu yeelan karo waxyeelo ayaa waxtar la’aanta bacada marka laga faaloonaayo la sheegaa in ay tahay shay kasamaysan caag oo aan muddo baa’bin isla markaan waxyeelo ay u geeysato deegaanka, Halka iyada oo dhirta iyo daaqa isku marta, Halka xoolahana ay caafimaad daro ku abuurto hadii ay Cunto ahaan u qaataan, taaas oo suurto gasha in ay u raacdo daaqa.

Faaidada Qaadka:

Dad badan oo Warbixino ka diyaariyey qaadka ayaa sheegay in faaido ahaan uu leeyahay waxoogaa firfircooni iyo furfurnaan isla wakhtiga uu qofku cunaayo, isla mamrkaana hawsha wakhtigaas la hayo uu fududeeyo dhakhso u qabashadiisa, Halka uu maskaxada rogrogo oo fikirado cusub kusoo kordhiyo.

Faaiddo-darrada Qaadka:

Qaadku waa shay diin ahaan Loo baddiyey in uu xaraan yahay, waa mid kharash, wakhti iyo fursaddo badan oo qofka soo mar aka dayaca.

Isla qaadku waa burburiyaha dhaqaalaha wadankeena waayo sanad walba waxaa dalka itoobiya ku xarooda millions dollar ah oo laga xareeyo qaadka ay inosoo diraa, Halka marka uu waddanka soo galana khasaar, xashiish, garaabo, iyo gudaafad wax aan ka ahayn uu inugusoo kordhiyo.

Dalalka dadkoodu qaaadka cunaan waa kuwo ka dambeeye wadamada kale ee iska xidhay, waana dalal ay ka dheertahay horumar ilaa inta ay xaladaas iska bedelayaan.

Hadii ay taasi jirto Muddane Maddaxweyn kee muddan in la joojiyo, ama lugu horeeyo joojintiisa, Miyeyna kula ahayn in qaadka hadii la joojin kari waayo la saaro cashuur iyo lacag aad u faro badan si uu u yaraado.

Hamse Bashe Muhumed

Xamse18@gmail.com

Hargeysa Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
Advertisement