Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis Oo Hore U Ahaa Diblomaasigii Ugu Sareeyey Somaliland Ayaa Ballan Qaaday In Haddii Xisbiga WADDANI Tallada Qabto Ay Xooga Saarayaan Aqoonsi Dalkani Hello

0
Monday October 30, 2017 - 02:09:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis Oo Hore U Ahaa Diblomaasigii Ugu Sareeyey Somaliland Ayaa Ballan Qaaday In Haddii Xisbiga WADDANI Tallada Qabto Ay Xooga Saarayaan Aqoonsi Dalkani Hello

    "Waxaan Ahaa Wasiirkii Keliya Ee Shirka Golaha Wasiiradda Si Cad U Diiday In DP World Lagu Wareejiyo Dekedda Berbera" Maxamed Biixi Yoonis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan Ahaa Wasiirkii Keliya Ee Shirka Golaha Wasiiradda Si Cad U Diiday In DP World Lagu Wareejiyo Dekedda Berbera" Maxamed Biixi Yoonis
Axad 29 October 2017  Hargeysa (HALBEEG)-- Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis haddana ka mid ah madaxda ugu saraysa xisbiga WADDANI ayaa isagoo la hadlaaya taageerayasha xisbiga WADDANI ee magaalada Berbera wuxuu ballan ku qaaday in xisbiguu ka tirsanyahay haddii la doorto ay xooggooda gelinayaan sidii aqoonsi dalkani u heli lahaa, wuxuu Mr. Yoonis sheegay inuu ahaa wasiirka keliya ee ka tirsana xukuumadda Siilaanyo ee diidana in shariikadda DP World lagu wareejiyo dekedda Berbera.


Wasiirkii arrimaha dibadda xukumadda Siilaanyo haddana ka mid ah xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay in xisbiga Waddani soo celinayo hantida dadweynaha ee xukumadda Kulmiye iibisay. Waxa uu sheegay in uu diiday in dekedda iyo madaarka Berbera la wareejiyo xilligii uu ahaa wasiirka arrima dibadda isaga oo sida oo kale na cod dheer ku sheegay in Xisbiga WADDANI uu keeni doono aqoonsi caalami ah.

"Waxaad ogtihiin in aan ahaa wasiirkii hormoodka u ahaa hawlaha dekeddan iyo madaarka Saldhiga laga dhigayo ee labadaba diiday Ayaan ahaa taariikhduna way ogtahay . waxaan u diiday aniga oo idiin danaynay, maanta waxba ku dheeraan maayo oo haddii aan taariikhdeeda galo waxaan ka yaabaya in aad gadoodaan dhibaato intaas ka wayni dhacdo,”Sidaas ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis oo Berbera kula hadlayay kumanaan reer Saaxil ah oo ololaha doorashada isugu soo baxay.

Waxa uu sheegay in ay ilaha dhaqaalaha ee la bixiyay iyo dhulka danta guud ah ku soo celin doonan gacmaha shacabka "Haddii aanu nahay Waddani waxaanu ballan idiinku qaadayna in aanu ilaha dhaqaalaha ee Deked leh ee Madaar leh ee kalluun iyo sibidh leh horumarkooda ka shaqayno. Dhulkaas Berbera ee la wada dayrtay ee la boobay ee laga wada gaadhsiiyay gacantiina ayaanu ku soo celinayna, ha ka warwarina gidaarrada waanu duminayna,” Sidaas ayuu yidhi wasiirkii hore ee khaarajigu.

Waxa uu intaasi raaciyay in ay dhaqaalaha wax ka qaban doonan "Waxaanu ballanqaadayna haddii aanu reer Waddani nahayin aanu dhaqaalaha wax ka qabano, in aanu sixir bararka wax ka qabano, waad arkaysaan dadkeenii maanta sixir barar baa aafeeyay, abaara ina haysta, farsamo ay ku maamulaan ma laha Kulmiye. Dhaqaalihii dhulka ayuu galay gaajadii iyo baahidii way badan tahay. Insha Allaahu haddii aanu qabsano waanu qabsane waxaanu wax ka qaban doona arrimahaas oo dhan,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.

Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in markii uu xilka hayay dekedda Berbera keenay wasiirradii u badna ee Itoobiya ka yimaadda, islamarkaana la saxeexday heshiisyo ku saabsan in la isku xidho Berbera iyo Itoobiya lana dhiso jidad baabuurta ah iyo xadiid tareen laakiin, xukumadda joogta dadaalkaasi ku bedelatay xaqul qalin. Waxa uu sheega in xisbiga Waddani leeyahay aqoon lagu kasbado Citiraaf iyo maalgashi caalami ah.


Halbeegnews, Hargeysa
contact@halbeegnews.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
Advertisement