Ma madaxweynihii Qaranka Juuqda gabay mise Afhayeenkiibaa ka gaabiyey oo shaqadiisa gabay!!!!

0
Sunday April 19, 2015 - 11:24:41 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma madaxweynihii Qaranka Juuqda gabay mise Afhayeenkiibaa ka gaabiyey oo shaqadiisa gabay!!!!

    Waxaa maalinba maalinta ka danbaysa isa soo taraysa dhawaqa iyo dareenka shacbiga somaliland ay ka qabaan madaxweynihii qaranka Somaliland oo laga waayey inuu warbaahinta isaga oo ka hadlaaya oo shacbiga iyo beesha caalamkaba u jawaabaya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maalinba maalinta ka danbaysa isa soo taraysa dhawaqa iyo dareenka shacbiga somaliland ay ka qabaan madaxweynihii qaranka Somaliland oo laga waayey inuu warbaahinta isaga oo ka hadlaaya oo shacbiga iyo beesha caalamkaba u jawaabaya.
bal u fiirso sababta madaxweynihii qaranka loo tebay Aug 31, 2012 waxay ahayd maalintii madaxweynaha somaliland uu doortay in isag aiyo shacbigu isku soo mudhuxsadaan madaama uu magacaabay afhayeen aan aqoon buuxda u lahayn awooda iyo karaamada afhayeenku leeyahay iyo sababta loo magacaabay ujeedadeeda iyo waxa uu madaxweynaha kaga gudboon yahay.

aan u soo noqdo hadaba ujeedada waxa hubaala in maalintaasi laga bilaabo madaxweynuhu uu isagu gacantiisa iyo afkiisa isugu soo jiiday dhaleecaynta iyo tabashada shacbiga iyo saxaafada mar hadii la waayey qof kii meteli lahaa madaxweynaha ee afkiisa ku hadli lahaa ama la talin lahaa ee soo bandhigi lahaa awooda iyo kartida madaxweynuhu u leeyahay inuu si geesinimo ku dheehan tahay u hor yimaado fagaaraha.


afhayeen ku sheega iska magacaabanina ismuu odhan is xilqaan oo yaan madaxweynaha la tebine bustaha ayuu hoosta ka galay oo lama arag lamana maqal isaga oo ilaa sanadkii 2012 kii ku hadlaaya afka madaxweynaha oo leh madaxweynuhu waxa uu ii igmaday in aan ka hadlo arrimaha noocaasi ah isaga oo dareenka madaxweynaha shacbiga u soo gudbinaaya.

ismanuu odhan waxa aad xil qaran u haysaa shacbiga iyo dalka somaliland madaama aad joogto bartii looga talinaayey dalka oo gudo iyo dibedba adigaa lagaa war sugayaa laguna soo eegayaa, balse hadii aan idinkaba idiin soo gudbiyo ood ila egtaan fikirkayga ma maqasheen marna afhayeenka oo u jawaabaya dawlaha jaarkeena ama ka hadlaaya eedaymaha faraha ka baxay ee maalin iyo habeenba loo miisayo madaxtooyadii uu difaaci lahaa isagu, jwaabtu waa maya idina ila eega hadii een ka been sheegayo.

 

aanka baxo hadalka ee waxa aan ku soo xidhi madaxweyne wax noo sheeg oo ma adigaa juuqda gabay mise afhayeenkiibaa kaa ambaday oo hawlihiisa gabay, waanu yaabanahay oo xagaaga ayaanu soo eegaynaaye.

Saleebaan Jaamac Xasan

Hargeysa/Somalialnd


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
Advertisement