Daawo Ama Akhriso: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle Oo Si Diiran Ugu Soo Dhaweeyey Jibouti Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi

0
Sunday January 07, 2018 - 01:34:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 49
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Ama Akhriso: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle Oo Si Diiran Ugu Soo Dhaweeyey Jibouti Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi

    Waxaa Loo Dhigay Madaarka Jibouti Roog Cas, Waxaana Madaarka kaga Hor Yimid Madaxweyne Geelle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Loo Dhigay Madaarka Jibouti Roog Cas, Waxaana Madaarka kaga Hor Yimid Madaxweyne Geelle
Sabti 06 January 2018 Djibouti (HALBEEG)-- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jibouti Ismaciil Cumar Geelle iyo xubno golahiisa wasiiradda ah ayaa madaarka caalamiga ah ee Jibouti ku soo dhaweeyay, wefdigii uu hogaaminaayay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Biixi ayaa madaarka loo goglay roogga cas, wuxuuna sallaan madaxweyne ka qaatay ciidamadda dalka Jibouti.

Madaxwene Muuse Biixi Cabdi waxaa safarkiisa ku wehelinaya seddex wasiir oo qudha oo kala ah

1) Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire
2) Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon
3) Wasiirka cadaaladda Somaliland Cabdiqani Maxamuud Cateeye

 

Labada madaxweyne ayaa kulan ay wasiiraddu fadhiyeen ku yeeshay gudaha madaarka waxaana ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid tahay dhinaca ammaanka, dhaqaalaha, iyo arrimaha siyaasadda

Waa Maxay Muhiimadda Somaliland Ugu Fadhido Jibouti

Somaliland iyo Jibouti ayaa wadaaga xuduud dhererkiisu yahay 58 Km, dalka Jibouti ayaa waxaa saldhigyo Military ku leh dalalka maraykanka, Faransiiska, Shiinaha iyo Sacuudi Arabia.

Ciidamadda militeryga Somaliland oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 30 kun oo askari, 4 kun ilaa 6 kun oo ka mid ah waxay ilaaliyan xuduudka ay Somaliland la leedahay Jibouti, kuwaasi oo habeen iyo maalinba isku bedela. Taasi bedelkeeda Jibouti Somaliland kama hesho wax gacan siyaadeed ama dhaqaale laba midna, Jibouti na Somaliland uma aqoonsana dal madax banaan, balse arrimaha ayaa gundhig u noqon doona wada hadalka labada madaxweyne.

Arrinta labaad ayaa ah dhinaca dhaqaalaha oo ay Jibouti doonayso in allaabta laga soo dejiyo Jibouti lagu keeno Somaliland cashuur la’aan ama cashuur ilaa%90 ka jaban ta ay hadda Somaliland ka qaado.

Wadahadaladda ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ah arrinta DP World



Kor ka daawo


Halbeegnews, Djibouti

contact@halbeegnews.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
Advertisement