Wargelin Shacabweynaha Somaliland gaar ahaan cariga ingiriiska UK, waxaa la ogeysiinayaa Daladan cusub oo hirgashay " Dalada Badbaadada Midnimada Somaliland"

0
Thursday April 23, 2015 - 12:43:22 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wargelin Shacabweynaha Somaliland gaar ahaan cariga ingiriiska UK, waxaa la ogeysiinayaa Daladan cusub oo hirgashay " Dalada Badbaadada Midnimada Somaliland"

    Dalada Badbaadada Midnimada Somaliland waa Dalad dhawaan lagaga dhawaaqay Galbeedka magaalada London oo ay u dhan yihiin siyaasiin ,aqoonyahano, indheer garad iyo madax dhaqameedyo ka soo kala jeeda dhamaan deegaanada Somaliland oo dhan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalada Badbaadada Midnimada Somaliland waa Dalad dhawaan lagaga dhawaaqay Galbeedka magaalada London oo ay u dhan yihiin siyaasiin ,aqoonyahano, indheer garad iyo madax dhaqameedyo ka soo kala jeeda dhamaan deegaanada Somaliland oo dhan.
Ujeedada daladu waxay tahay in la badbaadiyo midnimada iyo qaranimada dalka jamhuuriyada Somaliland oo hada uu Virus galay si shacab ahaan iyo dawlad ahaanba looga samata bixiyo maamul xumida iyo hogaan la’aanta dalka ku habsatay loona soo celiyo shacabweynaha JSL midnimadoodii, waxwada-lahaanshihii iyo sumacadii guud ee gudaha iyo debeda ee qaranku ku lahaa mandaqada.

Waxay Daladaasi ku dadaali doontaa in ay mideeyaan shacab weynaha reer Somaliland gudo iyo debedba si looga midoobo danta guud ee qaranka waxaana ay xubnaha daladaasi ku dadaali doonaan inay dhamaan la xidhiidhaan Hayadaha iyo dawladaha daneeya Nabadgelyada ,jiritaanka iyo sumcada Jamhuuriyada somaliland isla markaana waxay ka hawlgeli doonaan maamul wanaaga iyo isku xidhka wada shaqaynta gobolada iyo Degmooyinka dalka si loo soo celiyo rajada shacab weynaha reer somaliland min Bari ilaa Galbeed oo hoos u dhac weyn iyo kala fur- fur uu ku yimi mudo xileedkii ay hogaanka qabatay Xukuumada maanta dalka haysa.
Waxaa ay daladani ay aaminsan tahay Madaxbanaanida Somaliland, Waxaana ay iskaashi buuxa la yeelan doontaa Jaaliyadaha Somaliland ee qurbo-joogta oo dhan , gaar ahaan kuwa ku nool North America iyo Yurub , Waxaa na ay xarunteeda dhexe ay noqon doontaa Caasimada London insha-allah.
Alleh Ayaa Mahad Leh
Dalada Badbaadada Midnimada Somaliland ( DBMS)
Email: badbaado120@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
Advertisement