Madaxweyne Axmed Maxamed Maxmauud Siilaanyo Ma Geyo In Lagu Aflagaadeeyo Dib Udhaca Doorashada.

0
Tuesday May 05, 2015 - 14:27:26 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 176
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Axmed Maxamed Maxmauud Siilaanyo Ma Geyo In Lagu Aflagaadeeyo Dib Udhaca Doorashada.

    Sida haniyo iyo himaladu ahayd waxaa qorshaynayd in dalka ka dhacaan doorashooyin sanadkan 2015-ka se waxaa marnaba lama ilaawaana in waxkastoo jira uu ka weyn yahay qadarka ilaahay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida haniyo iyo himaladu ahayd waxaa qorshaynayd in dalka ka dhacaan doorashooyin sanadkan 2015-ka se waxaa marnaba lama ilaawaana in waxkastoo jira uu ka weyn yahay qadarka ilaahay,
Madaxweynaha Somaliland wuxuu hore u cadeeyey mawqifka ku aadan inaanay maalin la dhaafin inta xilka loo igmaday, waxaan sharcigeena ku qoran hadii duruuf ama cilad farsamo timaado waa loo kordhinayaa dawlada markaa xilka haysa si ay u gudato waajibaadkeeda qaran.

Waxaan arkaa dad badan oo yidhaahda Madaxweyne Siilaanyo waa kii lahaa maalin lagu dari maayee muxuu ku falayaa korodhsiga, arintaasi anigoo ka qancinaaya dad badan waxaan leeyahay mudo kordhinta Madaxweyne siilaanyo horta masuul kama aha isna wuu sheegay qabashada doorashada cid baa loo igamaday qaranka iyo shacabka uga masuula cidaas oo ah komishanka, sidoo kale waxaa xeer dajinteeda leh Golaha Wakiilada, waxaan ognahay in Komishanka hada joogaa dib u dhaca doorashada ee dhankooda ay ku eedeeyeen komishankii hore , hadii aan idhaha layska tuurayn oo aan sida caamada loo hadlayn golaha wakiiladu waxay mudo dhawr bilooda cunaha kaga duubaanyeen xeerkii doorashada lagu gelaaa waxaa jirtay oo dhacday in gudoomiyaha golaha wakiiladu kufsi ku sameeyey xeerkaasi ka dibna ay kashifeen golaha guurtidu, Xukuumadu doorka ay lahayd waxay ahayd bixinta qaadhanka iyo magacaabista Komishanka intiina waa samaysay oo madaxweyne silaanyo isagoo eegaya danta shacabkiisa tix gelinaya ahmiyada doorasho xor oo xaalaal ah wuxuu sameeyey oo buuxiyey shuruud kasta oo kaga aadanayd xukuumadiisa qabashada doorasahda.


Iyadoo masuuliyada dib u dhaca doorashu ku cadahay Baarlamaanka oo uu ugu horeeyo Gudoomiyhadooda CABDIRAXMAAN CIRO maxaa Madaxweynaha qaranka iyo xukuumadiisa loogula galgalayaa, ee dusha looga saarayaa ? Waxaa weeye Madaxweynaha qaranku ixtiraam buu inaga mudan yahay waa oday daacada oo mujaahid soo ahaa 10-sano wuxuu halgan iyo duurka ugu soo jiray qoraynta dalkiisa 8-sanadood wuxuu samir iyo tudhaale kusoo xisgiisa mucaarid inuu 80-cod oo laga musuq maamusay ku dagaalamo wuxuu ka door biday inuu aqbalo oo banaankaa ka maro, waxaa hubaal inaan Somaliland laga helayn in la ydihi wax ka yar sagaashan codbaa lagaga hadhay inaanu samreen 5-sano uu jooday dalka wuxuu gaadhsiiyey horumar aanay somaliland gaadhin 20, wuxuuna u muuqda sida cad ceedu u muuqato, waxaan leenahaya Madaxweyne jir oo joog alle haku daayee.

Qalbo Ismaacil

qalbo0230@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
Advertisement