Halkay Ka Khaldantahay Tarbiyadda Caruurta Soomaalidu Qallinkii Guuleed Shaacir

0
Wednesday May 06, 2015 - 13:32:41 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkay Ka Khaldantahay Tarbiyadda Caruurta Soomaalidu Qallinkii Guuleed Shaacir

    Soomaalida oo lagu xanto umad kala dambaynta iyo ismaqalku ku yaryahay ,ayaa qolaba dhinac ula kacdaa waxyaalaha saldhiga u ah dhibaatooyin bulsho ee haysta ,aniga oo waayo aragnimo aan dheerayn u leh ilmaha soomaaliga ah ,hadana waxa aan jeclaystay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaalida oo lagu xanto umad kala dambaynta iyo ismaqalku ku yaryahay ,ayaa qolaba dhinac ula kacdaa waxyaalaha saldhiga u ah dhibaatooyin bulsho ee haysta ,aniga oo waayo aragnimo aan dheerayn u leh ilmaha soomaaliga ah ,hadana waxa aan jeclaystay inta aan aqoon iyo waayo aragmo ku helay in aan idinla wadaago ,mudo ayaan daba socday in aan ogaado waxa ka khaldan tarbiyada ilmaheena ,waxa aan xaqiiqsaday wax badan oo ka khaldan kobcinta garaadkooda .
Umadaha dunida ku nooli waxa ay ku kala duwan yihiin dhaqanka ,diinta ,aragtida iyo noloshaba waxa aan hubaa in soomaalidu wax badan kaga wanaagsan tahay dunida inteeda kale ,waxa kale oo aan indhaha laga qarsan Karin in soomaalida wax badan lagaga fiican yahay ,waxyaaba lagaga fiican yahayna ka mida barbaarinta haboon ee ilmaha ,bal hadaba aynu dhinacyo kala duwanka eegno ilmaha soomaaliga ah iyo xaaladaha uu ku sugan yahay .

Ilmaha soomaaliga ah


Marka uu gaadho ilma soomaaliga ahi laba sano ilaa saddex sano badankooda waxa lagu af baraa erayo dagaal iyo cay ku salaysan tusalaale ahaan tag ,soco ,diiday ,bax iyo kuwo la nooca iyada oo ilmaha la kala jiidanayo ,qaar kale cay xun xun ayayba bartaan,aniga fikirkayga , ilmo soomaali ah oo wadanka ku koray oo aan cay iyo dagaal aqoon wuu yaryahay ,inta badan dugsiga hore looma geeyo ,waxa la geeyaa marka uu gaadho shan jir ilaa lix jir 6 badanaa waxa toos loo qoraa fasalka koowaad ,halkii laga gayn lahaa meelaha ilmaha yar lagu sii tababaro dugsiga ka hor ee afka qalaad lagu yidhaa(kindergarten ),ilmahan fasalka koowaad la qoray qalinka iyo buuga in uu wax ku qoro waxa uu ka jecel yahay in uu jeex jeexo oo uu ku ciyaaro ,waayo ma garanayo qiimaha iyo waxa loogu talo galay , ciyaarta ayaa kala qiimo badan cashar loo dhigo .

ilmihii yaraa ee aan wali fahmin buug iyo qalin ayuu macalinku doonaa in uu qasab wax ku baro ,dil iyo dagaal ayaa ilmihii lagu ababiyaa ,waalidkiina ta macalinku ilmaha ku hayo mid lamida ayuu ilmihii kula dhaqmaa ,ilmihii waxa uu dhaxda u galaa laba cadow oo kala ah waalidkii oo guriga ku garaaca marka uu casharkii ka mashquulo iyo macalinkii dugsiga oo qasab wax ku bar is yidhaa.

Waalidiinta qaar ujeedada ay ilmaha dugsiga u keenaan ma cada ,mid kamida waalidiinta ayaa maalin dugsi aan barre ka ahaa noogu timid waxay nagu tidhi (caruurta dugsiga umaan keenin in ay wax bartaan ee waxa aan is idhi inta aad qadada karinayso hakaa maqnaadaan ,sidaa darteed iska celiya oo edbiya ),runteed ayay ahayd waxana aan aaminsanahay in waalid badani arinkaa kala siman yihiin .

Mida labaad ee waalidka iyo barayaasha ka khaldantaa waxa weeyi sida ilmaha loo tarbiyadeeyo ,marka yurub la joogo ilmaha lama dilo laakiin waxa lagula dhaqmaa cilmi nafsi ,tusaale ahaan waxa ilmaha lagu cabsi galiyaa haduu wax khalad ah sameeyo in uu waayi doono wax uu jecel yahay ,ilmaha waalidka iyo macalinka aqoonta lihiba way ka waayo aragsan yihiin ,sidaa darteed way ka cabsiin karaan iyaga oo aan ul iyo garaacid midna ku samayn .

Dilmada iyo garaacu waa xalka ugu dambeeya ee ilmaha lagu eego ,laakiin ayaan darada ku dhacday ilmaha soomaaliga ahi waxa ay tahay in isaga oo aan 7 jir gaadhin in si kasta loo dilo oo uu ilmihii noqdo ma naxe aan damqan oo aan hanjabaad iyo garaacid midna ka baqaynin.

Intaa waxa dheer marka ay isku yimaadaan ciyaal kala wada duwan oo ka kala yimid guryo kala duwan waxa ay kala bartaan cay iyo xumaan ay hooyo la caayaa ka kow tahay,marka uu ilmuhu dibada u baxo waxa uu soo baranayaa saaxiibo xun xun iyo dagaal taasina waxa ay sii xumaysaa akhlaaqdii iyo anshixii wanaagsanaa ee uu ilmuhu ku barbaari lahaa .

………………………………………………………..Lasoco qaybta 2aad

Guuleed Axmed Xaashi(shaacir)

Facebook:guled ahmed hashi(shaacir)

Gaaxnuug2013@gmail.com

Hargiesa/Somaliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
Advertisement