Nicholas Kay Oo Khudbad Muuqaalka La Iska Arko U Jeediyey Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay

0
Wednesday May 20, 2015 - 12:51:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 96
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nicholas Kay Oo Khudbad Muuqaalka La Iska Arko U Jeediyey Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay

    Midig Ambassador Nicholas Kay Oo Uu Weheliyo Ambassador Ambassador Maman S. Sidikou oo kaga soo jira khadka la iska arko Addis Ababa, Midig Ra'isal Wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarkaha Soomaaliya Oo Isaguna Khadka Kaga Soo Jira Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midig Ambassador Nicholas Kay Oo Uu Weheliyo Ambassador Ambassador Maman S. Sidikou oo kaga soo jira khadka la iska arko Addis Ababa, Midig Ra'isal Wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarkaha Soomaaliya Oo Isaguna Khadka Kaga Soo Jira Muqdisho
Arbaca 20 May 2015 Addis Ababa (HALBEEG)– Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaalida Ambassador Nicholas Kay ayaa isagoo ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia wuxuu shaashadda la iska arko toos khudbad ugu jeediyey golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee saldhigiisu yahay magaalada New York, hadalkiisa ayaa waxaa sidoo kale toos u daawanaayay oo golaha iyaguna hadalo u jeediyey ra’isal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo wakiilka Midawga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaalida Ambassador Ambassador Maman S. Sidikou. 


"Waxaan welwel weyn ka qaba jadwalka loo dejiyey inay doorashadii madaxtooyada iyo golaha baarlamaanku kaga dhacdo Somaliland oo qorshahu ahaa inay doorashadaasi dhacdo bisha soo socota ee June sannadkani, balse waxaa nasiib darro weyn oo laga xumaado ah in golaha guurtidu ay 22 bilood oo aan sabab lahayn ay dib ugu dhigeen doorashada” Ambassador Kay

Hadalka Ergayga xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaalida Ambassador Nicholas Kay oo u badna arrimaha Soomaaliya, gaar ahaana doorashooyinka la filayo in la qabto sannadka soo socda ee 2016 ka iyo weliba qaabka dhisidda hannaanka federaalka Soomaaliya iyo weliba dhisidda maamuladda goboladu u socdaan ayaa ugu horayn sheegay in dhammaanba hawlahaasi ay si hufan u wada socdaan, iyagoo iska kaashanaya qaramada midoobay iyo Midawga Afrika.

Wuxuu sheegay in dhawaan shir lagu qabtay magaalada Garoowe iyo shirar ka horeeyey oo lagu qabtay magaalada Muqdisho la isku afgartay in la dhiso seddexda maamul ee kala ah Puntland, Jubaland iyo Galmudug state, isla markaana lagu xigsiiyo gobolada kale ee Soomaaliya.

Isagoo hadlaya arrimaha doorashooyinka Somaliland wuxuu si toos ah ugu eedeeyey dibu dhaca doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiiladda inay ka masuul yahiin ayuu yidhi golaha guurtida Somaliland, isagoo taasi ka hadlayana wuxuu yidhi "Waxaan welwel weyn ka qaba jadwalka loo dejiyey inay doorashadii madaxtooyada iyo golaha baarlamaanku kaga dhacdo Somaliland oo qorshahu ahaa inay doorashadaasi dhacdo bisha soo socota ee June sannadkani, balse waxaa nasiib darro weyn oo laga xumaado ah in golaha guurtidu ay 22 bilood oo aan sabab lahayn ay dib ugu dhigeen doorashada”

Mr. Kay oo hadalka sii wada wuxuu yidhi "Qaramada midoobay waxay ku biirtay mawqifka beesha caalamka ee sida weyn uga dalbanaya xukuumadda Somaliland ka talisa iyo golayaasha in la hello dariiq kasta oo lagu gaadhayo heshiis isla markaana ay dhammaanba dhinacyada siyaasadda Somaliland ku wada qanacsanyahiin”

Mr. Kay ayaa hadalkiisu ku soo beegmaya iyadoo dhawaan beesha caalamku ay shaacisay qaraar kani la mid ah oo ay ku sheegayaan inaanay beesha caalamku sinaba raali uga ahayn muddo kordhinta aan sababta lahayn ee golaha guurtidu samaysay, waa markii ugu horaysay ee dibu dhaca doorashada Somaliland ku yimid uu gaadhay golaha ammaanka ee qaramada midoobay

Hoos ka daawo khudbadda Ambassador Nicholas Kay



Halbeegnews, Addis Ababa Ilaa New York

contact@halbeegnews.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
Advertisement