Mucaarid iyo Muxaafidba Qarranka Ha La Dhawro Qallinkii Mohamed Ibrahim Ismail (ABAALE)

0
Thursday April 30, 2015 - 17:44:19 in Editorials by Super Admin
  • Visits: 72
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mucaarid iyo Muxaafidba Qarranka Ha La Dhawro Qallinkii Mohamed Ibrahim Ismail (ABAALE)

    Sida sharciga ah qabsoonida doorashada waxa cayimi kara Komishanaka dorashooyinka qaranka iyagaa go'aaminaaya wakhtiga ay dhacayso dorashadu wayna so sareen wakhtigii ay qaban lahaayeen ee duruufuhu u saamaxayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mohamed Ibrahim Ismail (ABAALE)
Sida sharciga ah qabsoonida doorashada waxa cayimi kara Komishanaka dorashooyinka qaranka iyagaa go'aaminaaya wakhtiga ay dhacayso dorashadu wayna so sareen wakhtigii ay qaban lahaayeen ee duruufuhu u saamaxayeen. Inkastoo wakhti dheraad ah ay u baahdeen hadan way so saareen wakhtiga kama danbyasta ah ee ay hawlahooda ku so gabgaynkaraan waanay ku wada qanceen dhamaan asxaabta qaranku mucaarad iyo muxaafidba waanay ku amaanan yahiin u hugaansankaaa duruufaha dalka ee keenay in ay wakhtigaa dib u dhacdo dorashadu.

Hadaba sidaynu ka wada war hayno madaxwaynaha JSL waxa uu warqadii komishanka ku cadeeyen wakhtiga ay qaban karaan dorosho uu u gudbiyay aqalka odayaasha ee dalka JSL si ay ugu kordhiyaan xukuumada mudadaas so baxday waxase waxa lala yaabo ah in olole loo galo mudo kordhin kabadan inta komiishanku qabsaday ah waxa wax laga xishoodo ah in rag waawayn oo guurti sheeganaya ay ku doodan in jadwalka dorashada la so saaro maah ee in aanu anagu go’aamino doorashada iyo wakhtiga ay dhacayso ayay ahayda ma ka aqoon daraa, ma ka guul wadayn baa, mise shaqadooda ayaanay garanayninba tolowa, qaran halwanaaya dhehe.


Dhanka kalena waxa jira in si cad olole loogu jiro mudo kordhin qayral sharci ah oo la kala boobaayo Golihii Guurtida yadoo dalka duruufihiisa la ogyahay  eek ala ah shaqa la’aanta iyo sixir bararka bulshada Somaliland jiif iyo joogba u diiday laga wada war hayo ayaa hadana mucaarid iyo muxaafidba aanay qiimayn bulshada ay u tartamayaan in ay maamulaan codkan ka donayaan midna aanu u naxariisanaynin ee midkastaa dantiisa gaarka ka eeganayaa,

Waxa ka socda dalka wax lo dul qaadankaro maah, ma aha in  aqalka dalka u sareeya ee Guurtid inuu ku dhex qasmo is jiidjiidashada siyaasiyiinta ee waa in ay danta qaranka ka fakaraan oo ay raacan jadwalkaa komishanka qaranku so saaray oo ay ku saleeyan kordhinta ay xukuumada u kordhinayaan waa in aanay  sharaftooda wax yeelin ta qarankan ku dhisana aanay wax yeelin shaqada aad qaranka u haysaana yaanay noqon   korodhsiimo iyo inaad lakala safataan xisbiyada, ee  sharaftiinu waxay ku jirtaa idinka oo garta sida Qarankan  danta u ah ILAAHAY  haydinku hanuuniyo Insha ALLAAH.

Xisbiyada mucaaridka ahna waxay umada u sheegan in xukumadu aanay waxba qaban ina ay musuq maasuq, laalush, iyo  qabyaalad dalka bartay hadaad mucaari tihiina aad ka madhantihiin dhaliilahaas balse waa idiin shafar daro in laydinku barto wax yaabaha aad dawlada ku dhaliishan idinkoo aan xukunba qaban waxa laga akhrisanayaa inaad kasii dari doontaan hadaad dalka qabsataana waxan idinku dhiiri galin lahaa inaad qarankan dhankiina ka ilaalisaan in aydaan umada xumaan uun u tilmaamin, xikmada somaliyeed ayaa tidhaahda XOLAHAAGU AMA XEER HA KUU AHAADAN AMA XERADAADA HA KUUGU JIRAAN,

ogoowa markaad xilaka qabataan sidaad wanaaga manta u qarinaysaan ayaa kiinana lo qarin markaa waxan idin odhan lahaa fadalan wax la hadha, dhaqaalah aad ku bixinaysaan ololaha lagu diidanay yahay mudo kordhinta umadiinaa u baahan, laalush hadaad bixisaan ka aad bixinaysaan aanu idiin muuqan oo uu ku muuqdo ninka ka so horjeeda ku bixinayaa waa dhibkeeda, markaad kaa adigu umada ugu adeegto ninka kale eede oo ku dhaliin inuu hantida qaranka musuqmaasuqay

Madaxwaynaha JSL waxan waxa la doortay 5 sano shantii sano way dhamaanayaan waxa ka hadhay wa ka yar 1 bil waxaanu balan qaaday Madaxwaynahu in aan 1 maalin loogu dari doonin marka wakhtigiisu dhamaado wayse dhacaysaa oo waa lagama maarmaan in uu korodhsado  si loo gaadho wakhtiga komishanku qabsaday, hadaba maxadwaynah sharaftisu waxay ku jirta in aanu ka badsan wakhtiga komishanku qabsaday oo aanu wakhti dheerad ah doonin lana joojiyo ololahan odayaasha ka dhex socoda iyo hantidan laashuka lagu bixinaayo hal xaraani nirig xalaal ah ma dhasho shacabkan baahan ee durufaha adagi ku xeeran yahiin wax haloogu qabto dal lagu laluushaayo odayaasha dhargay taas baa dan u ah dawlada oo marlabaadna lagu dooran.

odhan lahaa waxad tahay nin la jecelahay oo waxabadan qabtay wax qaldani ha jireenbee ibna aadan lama wada qancin karo sidaa wageed way jiraan dad aanay u muuqan waxan oo wanaag ahi sidookale wax jira wax qaldan oo laga il duufay bulshada midba si haw qimeeya..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
Advertisement