Ururka Midowga Afrika (African Union) ee Hagraday Ictiraafka Somaliland Ayaa Masuul ka Ah Ubadkeena Rajo La'aanta Ugu Leeday Badaha Caalamka

0
Thursday April 30, 2015 - 17:44:19 in Editorials by Super Admin
  • Visits: 55
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Midowga Afrika (African Union) ee Hagraday Ictiraafka Somaliland Ayaa Masuul ka Ah Ubadkeena Rajo La'aanta Ugu Leeday Badaha Caalamka

    Salama Calaykum, Bishii April 30keedii illaa bishii May 4teedii ee sannadkii 2005tii ayaa Somaliland waxa yimid guddi sare oo xaqiiqo raadis ah, oo uu soo diray Mr.Alpha Omer oo ahaa madaxweynihii hore ee waddanka Mali isla markaana ahaa Madaxii uru

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Salama Calaykum, Bishii April 30keedii illaa bishii May 4teedii ee sannadkii 2005tii ayaa Somaliland waxa yimid guddi sare oo xaqiiqo raadis ah, oo uu soo diray Mr.Alpha Omer oo ahaa madaxweynihii hore ee waddanka Mali isla markaana ahaa Madaxii ururka Midowga Afrika AU ee berigaa. Guddida oo uu hoggaaminayay Mr. Patrick Mazimanaka oo ahaa ku-xiigeenkii Madaxweynaha A.U da ayaa xogtii iyo xaqiiqooyinkii ay soo ururiyeen oo qoraal buuxa ah waxay soo hordhigeen madaxdoodii diratay, si loogu xisaabiyo xaaladda goonni isu-taagga ee Somaliland la timid.

Haddaba, xaqiiqooyinkaa cid kale oo soo baadha lagu aamini waayay ee madaxdii Afrikaanka A.U, iyaga laftoodu u kuur galeen soona urursadeen maxaa ku lifaaqnaa ama ku jirey. Markii go’aanadii guddidu keentay loo soo bandhigayse maxay UrurkaMidawga Afrika (A.U) ka yeeleen.


Xogtaas iyo xaqiiqooyinkaas anigoon aad ugu talax tegayn haddaan meelo ka soo qaato waxa ka mid ahaa erayadan soo socda:

Somaliland waxay leedahahay oo rukummada u taagtay dawladnimo hannaan casriya leh( Somaliland has steadily laid the foundations of a Modern State.

Somaliland oo leh dad,dawlad iyo xuduudo cayiman, ayaa midawgii ay la midoobeen Somalia 1960kii Illaa 1990kii kala kulantay burbur (Ruins), caddaalad darro baaxad weyn (Enermous Injustice) iyo Leelleel ummadeed(Suffering of a population).

Waxanu run ah inaan midowga Somaliland iyo Somalia ahayn mid sharciyaysan,ma shaqaynin, waana mid lagu hungoobay muddadii uu jirey(the fact is that the union was never ratified and also did not work while it lasted).

Ictiraafka Somaliland raadinaysaa waa mid taariikh ahaan aan hore loo arag noociisa, cid walba qancinaysa marka loo eego siyaasad taatiikheedka Afrika, sidaa darteedna waa in Ururka A.U la yimaaddo hab-dhaqan gaara oo loo maro arrinta heerka sare ah ee Somaliland soo bandhigtay.(Somaliland’s search for recognition is historically unique and self-justified in African political history and as such the A.U should find a special method of dealing with Somaliland’s outstanding case ).

Maqnaanshaha Ictiraafku wuxu dabar ku yahay maamulka dawladnimo iyo dadka Somaliland – maadaama aanay habsami u geli Karin heshiisyo caalami ah si ay u helaan dib-u-dhis iyo horumar. (Lack of recognition ties the hands of the authorities and people of Somaliland in pursuit of construction and development goals).

Waxanu ku talinaynaa marka la eegayo baahida baniaadanimo ee maanta ka taagan Somaliland in Ururka A.U., dhaqaale isu keeno lagaga hortago dadka ka qaxaya waddanka, waxna lagu taro kuwa dalka gudihiisa qaxootiga ku ah iyo hawlgallada qaxootiga dalka ku soo noqonayaba.(We recommend, the acute humanitarian situation prevailing in Somaliland, A.U. should mobilise finances, resume to help alleviate the plight of people especially internally displaced people and returning missions).

Uuruka A.U. waa Inuu xukumo ama u miisaamo qaddiyadda Somaliland iyagoo ka eegaya doodda dhacdooyinkii taariikheed, niyad samida iyo doonista shacabka Somaliland.(A.U. should be disposed to judge the case of Somaliland from an objective and historical view point, moral angle and aspirations of the people).

Haddaba maanta 10 sannadood dabadeed dadka ku leeday badaha Mediteraninka iyo dadka maydkoodu daadsan yahay saxaraaga Libiya iyo Afrikada Woqooyi, kuwa ugu badani waa Somali, weliba kuwa ugu sii badanina waa dad u dhashay Somaliland oo uga tahriibay waddanka rajo la’aan.

Dadka Yeman iyo Sucuudigaba lagu gumaysto, kufsado, karbasho ee gaajo iyo harraadba ugu leeday waa dhallintii Somaliland oo shaqo la’aan iyo mustaqbal la’aan isu miidaamiyay una badheedhay hoog iy o halaag iyagoo nolol raadis ah.

Haddaba ma bulshada Somaliland – maamul iyo shacabba ayaa gabay dadkoodii, mise Afrikaan caqli xun oo kuwoodiiba gabay adduunyada kalena lugta innoogu xidhay baa iyagoo runta og hagraday ummaddan dedaalkeeda cid waliba qirtay, sababayna in la waayo horumarkii iyo fursadihii loo abuuri lahaa muwaadiniinta Somaliland ee dayaca u dhintay.

Ururka Midowga Yurub dhibaatooyika ugu waaweyn ee maanta horyaalla waxa ka mida in xal loo helo joojinta dadka tahriibta uga soo yacaya wadamaooda oo sida la sheegay u badan Eritrean iyo Somaliland. Wiig ka hor 1000 qof oo Afrikan ah baa ku qarraqmay badda, iyagoo u sii jeeday Talyaniga.Boqolaal baa ahaa reer Somaliland. Wiig waIba in ka badan 10.000 kun ayaa saxariir ku soo gaadha xeebaha Talyaniga, iyadoo tiro intaa ku dhow oo Afrikan ihina ku naf waayaan.

Waxa ka sii yaab badan, ma jiro hoggaamiye keliya oo Afrikan ah oo ka hadlay iyadoo caalamkii oo dhammi ka qayliyay xalkana wada raadinayo.

Toloow Midowgii Afrika mee? Miyaanay caddayn in hoggaamiyayaasha Afrika iyo Ururkoodu toona aany dan ka lahayn nafaha dadkooda?, habacsanaanta A.U. miyanay sabab u ahayn rajo la’aanta Ictiraaf la’aantu keentay kelliftayna in dhulkeenna carruurteenni ka yaacdo?.

Gabadh qoraa ah oo u dhalatay waddanka Ghana magaceedana la yidhaa Elizabeth Oheane ayaa qoraal dheer oo ay u soo dirtay Idaacadda BBC ee Ingriiska waxay ku tidhi "Madaxdii Afrikankow iyo Ururkii Midowgoow (A.U),haddaad ku fashilanteen inad xal u heshaan dhimashada xad dhaaftay ee dadkiinna, oo weliba ka hadli kari weydeen, waa inad ka caagtaan ka hadalka markasta qaddiyado caalamiya oo badiba aydaan shuqul ku lahayn,cidi idiin diran, war suganna aydaan weliba ka haysan.

Anigoo soo dabbaalaya qormadan waxan u soo jeedinayaa dhammaan dadka reer Somaliland inay munaasabadda 2da wig ka hadhay ee 18ka May aynu u dabbaal-degno innagoo farriin adag iyo dacwad caalamiya dirayna.

Guddida Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud u magacaabay dabbaaldegga 18ka May 2015 ee ay hoggaaminayso Wasiirka Maaliyadda Zamzam Cabdi Aden waxan ka codsanayaa inay ku boorriyaan meelwalba oo reer Somaliland joogaan baaq xambaarsan cabasho iyo dacwad oo la gaadhsiiyo guud ahaan caalamka , gaar ahaanna Ururka Midowga Afrika iyo dawladaha jaarka ah oo aan qabo inay iyaga laftooduna,hagrashada la hagraday Somaliland ay qayb weyn ka yihiin.

Waxa kale oo mudan in laga faaiidaysto isbeddelka Ka socda caalamka hadda ee ee lagu baadi goobayo xal laga gaadho tahriibta dadka ee ka soo burqanaysa xeebaha woqooyi ee Afrika. Haddii dawladdeenu si mug iyo muuqaalba leh u soo bandhigto dacwad adag oo xal u noqon karta xaslashada dadkeeda ku halligmaya badaha waaweyn, taasoo ah horumarka uu la maqan yahay Ictiraafka siyaasadeed ee sida dulmiga ah loo wada hagraday.

Wa Billaahi Tawfiiq

Rasheed Ali Meigag Samater

Madaxa Jaaliyadda W.London

(Ahaana Hoggaamiyihii U.K. ee Ururkii Xaqsoor)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
Advertisement