MAXAA SABAB U AH MUDDO KORODHSIIMAHA SOMALILAND?

0
Wednesday May 13, 2015 - 17:44:19 in Editorials by Super Admin
  • Visits: 107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAXAA SABAB U AH MUDDO KORODHSIIMAHA SOMALILAND?

    Gogol-dhig Inkasta oo arrini is af-garad ku dhamaan doonto, inkasta oo la isku tanaasuli doono, inkasta karka iyo uumiga hadda jiraa labadda todobaad ee soo socda ay degi doonaan, haddana wali habka iyo nidaamka dawladnimo ee Somaliland wax weyn b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mohamed Hagi Mohamoud. The University of Warwick
Gogol-dhig Inkasta oo arrini is af-garad ku dhamaan doonto, inkasta oo la isku tanaasuli doono, inkasta karka iyo uumiga hadda jiraa labadda todobaad ee soo socda ay degi doonaan, haddana wali habka iyo nidaamka dawladnimo ee Somaliland wax weyn baa ka qaldan.  Waxaana suurto gali karta in marar kale ay xaaladda hadda jirtaa si fudud dib ugu soo laaban doonto. Sababta oo ah, waxa aaney siyaasiyiinta Somaliland marnaba fahmin halka ay boogtu taalo ee ay sartu ka qudhuntay. Waana ta keentay in nabarka aan la arkayn meesha uu ku yaalo marwalba loo danqayo. Dawladnimo ma dhamaystirna, amniguna ma sugna ilaa iyo inta siyaasigu waajibaadkiisa ku garanayo oo ah hab xukunka iyo faa’idada maamul is badbadala. Arinkani waxa uu laf-dhabar u yahay in xukunka dawladnimo noqdo mid markasta gacanta shacbiga ku jira oo yagu ay kolba cid ku tijaabiyaan si baahidooda loogu daboolo. Waxase taa ka horeysa marka hore in siyaasiyiinta kala afkaarta ahi ku heshiiyaan habka ay xukunka kula kala wareegayaan oo sharci ah, si aaney iskugu dilin, waa haddii ay dadkooda iyo dalkooda u tudhayaane. Maqaalkan maanta waxa uu talo galkiisu yahay in aan ku ciraabno meesha ay siyaasiyan taalo caqabadda dimuqraadiyadda Somaliland dabartey. Ka hor inta aynaan u galin jawaab toos ah oo aynu arrintaa ku bayaamino, marka hore aan si daah –furan su’aalahan hoos ku qoran uga jawaabno.


Maxaa keenay Muddo korodhsiimaha 20 jirsadey ee ay Gollaha Guurtiddu oo ah Aqalka Sare (Upper House) ee Baarlamaanku uu hadba xukuumad wakhtigeedu dhamaadey u sameeyo? Maxaase keenay in ay Axsaabtu iyo hadba cida xukunka ka maqani in ay diido oo ay qaadacdo? Maxay ku timi 2005 in Axsaabta mucaaridka ah ee Somaliand Beesha Caalamka u baaqaan? maxayse hadda ugu baaqayaan? Maxayse KULMIYE oo waligiiba u baaqi jiray Beesha Caalamka uu maanta isku tusayaa in uu lexe-jeclo dalka ka qabo, sidaa darteedna aanu rabin in ay adduunyaddu Somaliland soo faro-geliso? Xisbiga WADANI muxuu u diidan yahay korodhsiimadda se qayb ma ka yahay? Haddii uu ka yahay muxuu iskaga casili waayey Guddoomiye Cirro, mise labada muddo korodhsiimo ayaa kala wanaagsan oo kala dambi fudud?

Haddaba aniga oo ka jawaabaya su’aalahan waaweyn, aan ku bilaabo ta hore oo ah waxa keenay muddo korodhsiimaha. Somaliland taariikhiyan ummadda ku nooli waxa ay leedahay hab-dhaqan nololeed oo ah in uu odeygu taliyo (traditional leading political culture). Isla tan ayaaney ku sameysatey dawladnimadeeddii 1991 ee Burco, tii Borama ee 1993 iyo tii Hargeisa ee 1996. Markii uu Ingiriisku yimi 1884 isla habkan dhaqanku sareeyo ayey adeegsadeen oo uu heshiiskii beelaha Somaliland iyo dawladda Britain uu ku saleysnaa. Gollahii SNM ee xoraynta Somaliland dhaqanku waxa uu ahaa xooga wada ee dhinaca uruurinta dhaqaalaha, ciidanka iyo hab-maamulka, sidoo kale waxa uu ahaa marjaca marwalba loo noqdo ee go’aanka kama dambeysta ah lagu gaadho, khilaafaadkana lagu xalilo.

Gollaha Guurtidda

Guurtidda Somaliland waxa ay ugu jirtaa kaalintaa dhaqanka oo ah (Political Culture) kii ummadda ee lagu soo caano maaley, haddii ay qalad lahaydna laga dhaxley. Ka dib doorashadii 1997 waxa dawladdii Maxamed X. Ibrahim Cigal, si badheedh ah ay isbadal ugu sameysey nidaamkii dawladnimo ee aynu garaneyney oo ahaa mid ku saleysan dhaqankeena. Waxana dawladdaasi hindistey Astaamihii Qaranka Somaliland, sida calan, lacag iyo dastuur uu ku xardhan yahay nidaamka dimuqraadiga ah ee aynu maanta isticmaaleyno. Arrintaa waxa ka dhashey buuq aad u weyn oo keenay in dhamaan odayaasha dhaqanku ka hor yimaadaan, oo ay diidaan yaga oo adeegsanaya qayb ka mid ah siyaasiyiintii dalka oo uu Saleebaan Maxamuud Aden ugu horeeyo. Waxa isna la safnaa qolooyinkaa dhaqanka siyaasiyiin badan oo wakhtigaa ku jiray gollaha wakiiladda iyo kuwa hadda Axsaabta dalka ku jira oo hogaaminaya. Kuwaas oo dhamaantood isugu jiray oday dhaqameedyo iyo Mujaahidiin uu Cigaal salaanka siyaasadda si hubsiimo leh uga tuuray.

Sababta ugu weyn ee keentay buuqa ayaa waxa ay ahayd odayaasha dhaqanka oo u arkayey in xukunkii iyo awoodii dalku gacantooda ka baxayo oo uu ku wareegayo shacabka Reer Somaliland. Waana halkaa, meesha ay Madaxweyne Cigaal iyo odayaashu iska seegeen. Nasiib daro ama il-duuf kaydoonta ha ka noqoto e, Madaxweyne Cigaal waxa uu dawladnimaddii cusbayd ee uu rabay laf-dhabar uga dhigay Gollaha Guurtidda oo la mid ah dhinaca fikirka kii dhaqanka ee uu la dagaalamayey oo ahaa Salaadiinta Beelaha. Kuwaas oo uu u arkayey in ay caqabad ku yihiin dawladnimo lagu naajaxo. Waxa kaliya oo labadu ay ku kala duwan yihiin waa Gollaha Guurtidda oo leh shuruuc dawli ah isla markaan uu dastuurku awoodihiisa xusay. Halka Gollaha Salaadiinta Somaliland ay kaliya ku abtirsadaan beelo kala gadisan oo kala masaalaxa isla markaana aaney wax badan oo mideeyaa aaney jirin.

Nidaamka Doorashadda iyo Somaliland

Inkasta oo doorashadda dimuqraadiga ah ay Somaliland hore u qabsatey xiligii gumaystaha, wallow aaney marnaba ku naajixin oo laga dhaxley qabiil iyo kala qaybsanaan hor leh. Haddana waxa ay Somaliland doorashooyinka dimuqraadiga ahi uga dhigan yihiin farsamo ahaan nidaam dawladnimo oo faham badan iyo waayo aragnimo xeel-dheer oo ka duwan Afrika iyo somalida inteeda kale. Tani waxa ay ina tusaysaa in Somaliland ay isku dhex haystaan laba nidaam oo aad u kala duwan, waa midka dhaqanka odayaasha oo ah mid aynu jad ka jad iska dhaxleyney iyo dimuqraadiyadda oo ah nidaam casri ah oo dunidda inteeda sida saxda ah u qaadatey ay ku naajaxdey. Waxa ay su’aasha weyni se ka taagan tahay yaa raacsan habka dhaqanka yaase raacsan habka dimuqraadiga ah.

Waxa jawaabtu tahay waxa raacsan habka iyo nidaamka dhaqanka kolba cida xukunka gacanta ku haysa oo ka dhigata farsamo ay raali ka yihiin oo u saamaxaysa in xukunka ay sii joogaan. Tan waxa cadeyn u ah muddo korodhsiima kasta oo dalka ka dhacda tan iyo 1995 waxa si buuxda u taageerayey cida kursiga ku fadhida oo raali iyo mabsuud ku ahayd. Halka nidaamka dimuqraadiga ah wixii ka dambeeyey 2002 qolooyinka mucaaridka ahi ay ku raadsan jireen xukunka. Illaa inta ay dalka iyo dadkaba dhaxalsiineysey in dawladdo shisheeye soo fara-galiyaan oo ka bilaabantey doorashooyinkii 2005 ee Gollaha Wakiiladda oo Xisbiyadda UCID iyo KULMIYE u gacan haadiyeen Beesha Caalamka si ay uga hortagaan muddo korodhsiimaha iyo in ay dawladdu doorashadda ku shubato. Waana halkii ugu horeysay ee diiwaan-gelinta doorashooyinku inagaga yimaadeen taas oo aynu adduunyadda ku waydiisaney in taageero caalami ah u helno nidaamkan dimuqraadiga ah. Yada oo aan marnaba la eegaynin khasaaraha ka dhalan kara in fara-gelin shisheeye Somaliland hadba cida xukunka raadineysaa ay ku soo dabaasho, waana arrinta maanta taagan.

Axsaabta Siyaasadda

KULMIYE isaga waxa uu diidan yahay waa in duniddu soo fara-geliso arrimaha daakhliga ah ee Somaliland oo run ahaantii aan habooneyn marnaba. Waayo waxa ay madaxbaanidda kaw ka ah in aad ka xorawdo fara-gelin shisheeye nooca ay doonta ha noqoto e. Lakin waxa ay su’aal wayni ka taagan tahay haddii ay sidaa tahay muxuu KULMIYE shaley ugu yeedhanayey isagoo kaashanaya Xisbiga UCID oo isna mucaarid la ahaa wakhtigaa? Jawaabtu waa ay fududahay oo waxa uu doonayey waa in uu xukun helo, waase uu garanayey in ay qalad tahay oo aaney habooneyn in Somaliland dalal shisheeye lagu soo hogaamiyo. Waxase madax maray xukunka oo aad ugu macaan ummadda aan dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaan gaabiska ah ee aan hormarsaneyn, isla markaana isbixin karayn.

Sidoo kale Xisbig WADANI waxa uu diidan yahay waa muddo kordhinta, sidii uu KULMIYE u diidanaa 2007. Waxa uu ku dhaqmayaa tabihii iyo xeeladdihii uu ka bartey Xisbiyadda guunka ah ee KULMIYE iyo UCID oo hore u sameyn jiray shaqadan. Waxana ay u egtahay in aynaan siyaasad ahaan korayn oo shacabku yihiin kuwa marwalba la qaldayo yada oo loo adeegsanayo hab iyo nidaam hoose oo qabyaaladeed. Akhriste bal u fiirso arrintan Guurtidda oo dhamaan in doorasho dalka ka dhacdo ka soo horjeeda nooca ay doontaba ha ahaatee ayaa muddo korodhsiimo u sameysay Gollayaasha Qaranka, sida Wakiiladda, Fulinta iyo yaga qudhooda oo laba sano iyo 10 bilood isku kordhiyey. Dastuuriyan Gollaha Guurtiddu waxa ay marwalba ka dambeyneysaa Gollaha Wakiiladda hal sano. Waxase yaabku ka taagan yahay waxa ay ahayd in Guddoomiye Cirro oo hogaaminaya masuuliyiinta Gollaha Wakiiladda iyo Xisbiga WADANI hormuudka u ah in ay dhamaantood iska casilaan haddii ay run ka tahay diidmadda muddo korodhsiimaha ee Gollaha Guurtiddu sameeyey.

Guntii iyo gunaanadkii, waxa aan dhamaan shacabka Somaliland u soo jeedinayaa in nabad-gelyada ilaaliyaan oo ay meel uga soo wada jeestaan wax wal oo khatar ku ah dhismaha qarankoodda curdinka ah ee siyaasiyiintu jahawareeriyeen. Waxa kale oo aan siyaasiyiinta Somaliland ugu baaqi lahaa in ay dimuqraadiyadda ama nidaamka dhaqanka odayaasha mid isugu baydhaan ee aaney laba gardaaq noqonin. Somaliland waxa ay haatan u baahan tahay nidaam siyaasi ah oo isku dhafa dhaqanka iyo habka casriga ah ee doorashadda, si ay buuqa iyo karka uumiga doorashadda uga nasato. Waxaa hubaal ah in labadan xoog waa ka dhaqanka odayaasha ah ee Gollaha Guurtiddu iyo Salaadiinta wadanku adeegsanayaan iyo dimuqraadiyadda casriga ah oo Beesha Caalamka gaar ahaan Yurub iyo Maraykan ay Somaliland iyo adduunyadda inteeda kaleba rabaan in ay ku soo dabaalaan mid si toos ah loo qaato. Haddii kale la keeno siyaasad isku dhafeysa dhaqanka iyo dimuqraadiyadda oo si toosa uga turjumaysa hab nololeedka ummadda. Akhriste waxa aad ogaataa haddii aan la helin labadaa arrimood ee aan kor ku soo sheegay in marwalba ay jirayaan buuq siyaasadeed oo aan manfac iyo wanaag toona u ahayn qaranimadeena curdinka ah. Wa Bilaahi Tawfiiq.

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The Univeristy of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
Advertisement