Tacsida Maxbuus Ku Geeriyooday Xabsiga Hargeysa iyo Xog-warranka Xaaladaha Murugsan Ee Xabsiyada Dalka!

0
Tuesday May 30, 2017 - 23:06:56 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tacsida Maxbuus Ku Geeriyooday Xabsiga Hargeysa iyo Xog-warranka Xaaladaha Murugsan Ee Xabsiyada Dalka!

    Cabdi Yuusuf: Waxa uu ahaa nin xagga dhimirka wax ka qaba. Xilliyada qaar isaga oo muddug ah oo sidii ay hooyadii ku dhashay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdi Yuusuf: Waxa uu ahaa nin xagga dhimirka wax ka qaba. Xilliyada qaar isaga oo muddug ah oo sidii ay hooyadii ku dhashay

Ilaahay ha u naxariisto’e waxa 19kii Mey 2017ka ku geeriyooday Jeelka Hargeysa oday toddobaatan jir ah oo ka soo jeeda Deegaanka Dila ee Gobolka Awdal, waxaana la odhan jiray Cabdiraxmaan Cabdillaahi. Waxa lagu aasay magaalada Boorama. Waxa aan geeridiisa kaddib ogaaday in uu Marxuumku aabbe u ahaa saaxiibkay/walaalkay Axmed Cabdi Cabdillaahi (Axmed-Deeq) oo aanu gu’yaalkii 2008-2010 isku fasal ku ahayn Jaamacadda Hargeysa. Waxa aan tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo ummadda uu guud ahaan marxuunku ka baxay.Geeridiisa waa ka hadlay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Marxuun Cabdi Cabdillaahi waxa na lagu wada xidhay xarunta la-dagaallanka argagixisada Center for Terrorism Unit oo ku taalla xarunta ciidanka dembi-baadhista ee Hargeysa. Muddo saddex iyo labaatan cisho ah ayaanu is arki jirnay xilliyadda salaadaha iyo subaxda hore marka xerada la nadiifinayo. Isaga iyo lix nin oo kale ayaa u xidhnaa eed la sheegay oo ahayd inay dhawr qori iibsadeen. Muddo kow iyo toban bilood ah lama xukumin, waxaana loo wareejiyay Xabsiga Dhexe ee Hargeysa. Maanta waxa cusbitaalka guud la keenay Maxbuus ay Marxuunka wada xidhnaayeen oo Nuur la yidhaado. Markii uu odaygaasi geeriyooday ayaa ay shantii kalena cuntada ka soomeen. Ku darso, Marxuun Cabdiraxmaan iyo Nuurba waxa ay lahaayeen jirrada macaanka.

"Xishood daranaa. Bal inta aan leekahay ee ay Al-shabaab igu sheegayaan eega” ayaa ka mid ah weedhihii uu ku daadafayn jiray tuhunka loo haysto. Dadkii lala soo xidhay waxa ka mid ahaa carruur arday ah oo markii dambe la sii daayay, wiil la odhan jiray Nimcaan Bade oo la sii daayay markii uu toddobaatan cisho iyo dheeraad xidhnaa.

Nimcaan Bade markii uu dhawr iyo toddobaatan cisho nala xidhnaa ayaa la sii daayay. Isaga oo ka warramaya eedda loo haysto waxa uu yidhi "Waxa aan seexday guri nin aan u shaqayn jiray oo Boorame ah, habeenkaasna wuu maqnaa. Saqdii dhexe ayaa ay ciidan RRU ahi noo soo daateen. Anfariir awgii kolkii ay qoyski tooseen ayaa ay ciidanki yidhaahdeen la "ma hebel baa?”. Carruutina "haa” ayaa ay ku seleleen. Markii C.I.D nala keenay waa la gartay in aanan eedaysanihii ahayn. Maanta oo aan toddobaatan cisho xidhnaa ayaa la i sii deynayaa”. Waxa uu xorriyadda helay markii ay qoyskooda oo reer miyi ahi awgii u iibiyeen 11 wan oo lagu galay waanwaanta uu dibadda ugu baxay.

Xaaladaha xabsigu waxa ay sababaan in ay naftooda dilaan qaar ka mid ah maxaabiistu. Waayo, wax xil ah la iskama saaro dacwadda ay u xidhan yihiin iyo xaaladdooda caafimaad. Si taas aan u bayaamiyo ayaan ku soo halqabsn doonaa dhawr qof iyo dhacdo aan xog-ogaal u ahaa.

25kii Ogos 2016ka ayaa aanu hiirtii waaberi maqalnay cod dheer oo qayla-dhaan ah. Waa maxbuus leh "Waar Maxamed Caydiidow. Waar soo yaaca, waar nin baa is-deldelay”. "Maxamed Caydiid” waa madaxii ilaalada maalintaas xarunta masuulka ka ahayd. Baaqu waxa uu ka imanayay qolka 8aad oo ay ku xidhnaayeen laba nin oo kufsi iyo argaggixiso loo haystay. Maxbuuska dhawaaqayaa mar waxa uu samata-bixinayay nin xadhig iska laalaaddiyay, marna albaabka ayuu tumayay, kolka ninka ay qol-wadaagga yihiin ayaa uu kor u hayay.

Shaw nin magaciisu Cabdiraxmaan ahaa oo u xidhnaa kufsi ayaa doonay in uu qudha iska jaro markii maxkamadda la geyn waayay. Inta uu miiqay xadhig ayuu go’ ayuu ku soo xidhay daaqad uu qolku lahaa, kaddibna qoorta ayuu iskaga duubay.

Waxa badbaadiyay askartii ilaalalada, kaddibna inta go’ii sawir laga qaaday ayaa meesha laga furay. Abaal-marintii maxbuusku waxa ay noqotay in lug iyo gacan is-dhaaf ah lagaga xidho katiinad, waxaanu sidaas u dabranaa laba cisho oo dambe, waxaana loo wareejiyay xabsiga weyn ee Hargeysa. Annagu wax gurmad ah ma aannu geysan karaynnin, waayo qolka ayaa guudka nagaga xidhnaa.

Xilli galab ayaa uu noo yimi Gaashaanle SareDaahir Muuse Abraar waxaanu u caqli-celiyay maxbuuskii ciillanaa "Maxaa aad naftaada u dilaysaa? Maxkamadda waxa aan kuu qaadayaa Axadda ee iska samir” ayaa uu yidhi. Waxoogaa kaftan ahna waxa uu ku yidhi "Ma inta aad gabadh walaashaa oo kale ah iska kaxaysatid, oo aad aqal ku haysatid ayaa marka lagu qabtana, aad is-dilaysaa? Ka warran haddii walaashaa sidaas oo kale lagu sameeyo?”. Maalintaas waxa aan dareemayay qanjo-xanuun iyo xanuunkii macaanka oo igu kacay. Waxa aan taliyaha ku idhi "Dawadii macaanka ayaa aan u baahanahay?”. "Dhakhtar ha soo caddeeyo inaad xanuunka qabto ama keen waraaqihii cusbitaalka” ayaa uu yidhi, isaga oo weji-dadbayana wuu jaqaafiyay.

Waraaquhu halkee ayaa ay yaallaan? Si aan dareenkayga daaha uga qaado ayaa aan isku duudduubay meel ay maxaabiistu salaadda ku tukan jirtay. Askartii ilaalada iyo jaallayaashii ila xidhnaa ayaa wada tashaday, waxaanay xaajadayda ku eegeen il naxariis leh, iyaga oo isla gartay in aan xaaladdayda la dhayalsan.

Maxbuus ila xidhnaa oo la noolaa jirrada sonkorta ayaa cabbiray halka uu macaanku marayo, waxaanu qalabka hubintu sheegay in uu cirka ku shareeran yahay oo uu 400 caga-cagaynayo. Markaas kaddib ayaa la iigu yeedhay dhakhtarka xarunta u qaabbilsan caafimaadka oo xaqiijiyay qanja-xanuunka i haya iyo heerka macaanka labadaba. Kolkii aannu qoyska wargelinnay ayaa la ii keenay kiniin ay qanjuhu ku ladnaadeen iyo dawada Insulinta oo aan xanuunka macaanka awgii u qaadan jiray maalin walba. Waxa dawada lagu riday qaboojiso taalla dukaan noo dhawaa, hadbana waxa ii keeni jiray askarta shaqada leh.

Taliyaha Ciidanku wax kormeer, xog-wareysi iyo ka-war-hayn ah kuma sameeyo maxaabiista CTU-da iyo qaybta kaleba ku jirta. Keliya waxa aanu arki jirnay marka uu baadhayo in geedka qaadku soo gelay xerada. Haddii uu taas xaqiiqadeeda helo, waxa uu ganaax, caydhin, xadhig iyo mushahar-joojin ku sameeyaa askarta maalintaas shaqada ku qoran. Waxa aan xasuustaa in 22kii Ogos 2016ka uu Taliyuhu nin maxbuus ah ku qabtay jaad, kaddib waxa askartii ku sameeyay xadhig, xil-ka-xayuubin iyo mushaharkoodii oo la xayiray muddo bil ku dhow.

Markii aan soo baxayna waxa la ii sheegay in xilli habeen ah uu qol isku gubay maxbuus Cawil la odhan jiray oo aanu wada xidhnayn. Saq dhexe ayuun baa lagu war helay qiiqa baxaya, qolka oo aan lahayn daaqado iyo albaab hawo leh awgeed waxa lagu sigtay inay tobaneeyo qof u dhintaan hawo-la’aan. Dirqi iyo tu xun ayaa lagu badbaadiyay ninkii is-gubay, kaddibna inta laba sanno oo degdeg ah lagu xukumay ayaa loo beddelay xabsiga weyn ee Hargeysa. Xukuumadda, booliska iyo ciidanka asluubtu wax qiimayn ah kuma sameeyaan xaaladda caafimaad ee jidhka iyo maskaxda dadka ay hayaan. Tusaale ahaan dadkii nala xidhnaa waxa ka mid ahaa:

Yaasiin Cumar Idiris: Wiil uu wadnuhu daloolo ayuu ahaa, marka qolka lagu xidhana wuu miyir-beeli jiray. Waxaana lagu xukumay saddex sanno iyo badh. Dadka sidan u nugul, miyaanu sharcigu u fasixin in xadhigga loogu beddelo xukun lacag ah?

Cabdi Yuusuf: Waxa uu ahaa nin xagga dhimirka wax ka qaba. Xilliyada qaar isaga oo muddug ah oo sidii ay hooyadii ku dhashay u qaawan ayaa uu barxadda dibadda iman jiray. Inta xoog lagu xareeyo ayaa katiinad lagu xidhi jiray. Halkii daawo iyo dhakhtar looga raadin lahaa waxa lagu riday xukun hal gu’ ah, waxaanu ku eedaysnaa in uu gabadh kufsaday. Mar dambe waxa aan arkay Cabdi Yuusuf oo magaalada u soo baxay, markii uu xabsiga soo dhammaystay.

Wasiirka: Waa nin xagga xuska ahaa oo sheegtay in loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga Somaliland markii taarkiikhdu ahayd 02dii Ogos 2016ka. Waxa la soo xidhay isaga oo madaxtooyada hor taagan, isla markaana sheegaya in ay la soo hadashay marwada kowaad ee Somaliland. Waxa u yimi labadii wasiir ku-xigeen ee wasaaraddaas u kala dambeeyay (Boos Mire Maxamed iyo Maxamuud Jaamac Warsame), markii uu laba bilood xidhnaa ayaa la sii daayay. Waalidkii waa ay ka nixi jireen in loogu yeedho magaca ‘Wasiirka’ iyaga oo sheegi jiray in cilaaj dhawaan laga soo daayay.

Cabdi Cismaan: Waa nin maryaha dhigay oo dhaawac u geystay haweenay. Masuuliyiinta xabsiga dhexe ee Hargeysi waa ay diideen in ay hayaan, kaddib markii ay xaaladdiisa derseen. Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa ku xukuntay laba sanno oo cilaaj ah iyo shan sanno oo xadhig ah. Waxa la sii daayay markii uu xidhnaa muddo sannad ku dhow.

Gaboobe: Waa wiil sannadkiiba mar taga cusbitaal ku yaalla Addisababa oo aan xaaladdiisa dalka waxba lagaga qaban karin. Si joogto ah ayaa loo meydhi jiray beerkiisa. Halkii ay ahayd in xabsiga loogu beddelo ganaax kale, waxa lagu xukumay afar sanno oo xadhig ah.

Geerida Cabdiraxmaan Cabdillaahi waxa ay igu leedahay xanuun gaar ah. Waxa uu ahaa oday cibaado badan, waxsheeg badan, samo-talis ah oo aan geyin xadhig iyo xumaan. Inta dammaanad lagu sii daayay ayuu soo doontay moobilkiisa oo ay ka reebeen ciidanka C.I.D kaddibna gudaha ayaa la dhigay. Markii uu xidhnaa kow iyo toban bilood ayuu xaqi u yimi.


Siciid Maxamuud Gahayr

siciidgahayr@gmail.com,saedmgahair@hotmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
Advertisement