Shariikadda Worldremit Oo Kaashanaysa Android Google Ayaa Hirgalisay Barnaamij Casri Ah Oo Ku Shaqaynaya Android Oo Si Fudud Lacagaha Adduunyada Oo Dhan Mobile La Iskugu Diri Karo

0
Wednesday June 14, 2017 - 02:29:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shariikadda Worldremit Oo Kaashanaysa Android Google Ayaa Hirgalisay Barnaamij Casri Ah Oo Ku Shaqaynaya Android Oo Si Fudud Lacagaha Adduunyada Oo Dhan Mobile La Iskugu Diri Karo

    Waa Tiknoolajigii Ugu Heerka Sareeyey Ee Shariikad Lacagaha Xawisha Ay Hirgalisay, Android Mobile To Mobile Transfer Oo Meesha Ka Saaraya Bangiyadii Lacagta La Iskugu Xawili Jiray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Tiknoolajigii Ugu Heerka Sareeyey Ee Shariikad Lacagaha Xawisha Ay Hirgalisay, Android Mobile To Mobile Transfer Oo Meesha Ka Saaraya Bangiyadii Lacagta La Iskugu Xawili Jiray
Arbaca 14 June 2017 London (HALBEEG)-- Shariikadda ugu weyn adduunyada ee xawilaadaha lacagaha ee  ee Worldremit ayaa shallay oo sallaasa ah waxay ku dhawaaqeen barnaamij aan noociisa oo kale shariikad u hirgalin oo u sahlaya ugu yaraan 113 malyuun oo qof   inay lacagaha iskugu gudbiyaan, iyagoo isticmaalaya barnaamijkani.


Barnaamijkani oo ay iska kaashadeen Worldremit iyo shariikadda weyn ee Google barnaamijkeeda Android loo yaqaano, ayaa u sahli doona malaayiin qof inay ka maarmaan hannaanka gaboobay ee hadda lacagaha la iskugu diro ee bangiyadu isticmaalaan ee loo yaqaano (Bank to Bank Money Transfer), adigoo isticmaalaya nidaamkani cusub  , ayaad adduunyada meel kasta u diri karta lacag.

Nidaamkani casriga ah, ayaa lagu qiyaasay inuu ku kici doono lacag dhan $600 bilyan oo dollarka maraykanka ah, waxaana barnaamijkani u sahli doona shariikadda Worldremit inay shariikadaha telefoonadda iyo isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda ee cidhif ilaa cidhif, Silicon Valley ilaa Saxaraha saaxil ay wada shaqayn yeeshaan, iyagoo shariikadahaasi isticmaali doona nidaamkani casriga ah, oo u sahli doona in lacagaha ay si fudud oo aan caqabad lahayn ay iskugu gudbiyaan, wuxuu la tartami doona barnaamijka kale ee shariikadda Apple lahayd ee loo yaqaano Apple Pay.

Barnaamijkani cusub ee Android Worldremit Mobile to Mobile Money transfer, ayey shariikadda Worldremit ku soo bandhigtay maanta shirweynaha caalamiga ah ee shariikadaha adduunka ka shaqeeya maaliyadda iyo lacagaha ee loo yaqaano (Money Conference), waxaana saadasha horudhaca ahi ay iftiiminaysa in durtaba ay barnaamijkani isticmaali doonaan dad tiradoodu ka badantahay 112 milyan oo qof oo daafaha dunida ku sugan, barnaamijkani ay Worldremit hirgelisay ayaa wuxuu Worldremit ka dhigaya shariikadda keliya ee dunida keligeed iyadoo isticmaalaysa barnaamijka Android lacago iskugu gudbin karta.

Sidee Barnaamijkani Worldremit Android Mobile to Mobile Payment U Shaqaynaya

Adigoo isticmaalaysa barnaamij hayaha (Operating system) Android, kuna xidhan ayaad lacag u diraysa cidhif kasta, oo dunida ah, adigoo keliya fulinaya ama dhamaystiraya afar tallaabo oo aad u fudud, weliba adigoo aan isticmaali doonin Credit Card kaaga, ama Debit Card, isla markaana aan galin macluumaadkaaga ku gaarka ah, ayaad si fudud u bixin karta biilasha, ugu diri karta lacag qof kale, aad si fudud u bixin karta lacagaha dugsiyada, iyadoo lacagtuna qof kale ku gaadhi doonta wax ka yar 5 daqiiqo.

guddoomiye ku xigeenka barnaamijyada ee shariikadda Worldremit Alice Newton, oo ka hadlaysa faa'iidada barnaamijkani ayaa tidhi "hadda macaamiishayda isticmaasha adeega dirista lacagaha ee shariikadda Worldremit waxay isticmaalaan barnaamijka Android, barnaamijkani Android oo ah ka ugu caansan dunida oo ay hadda isticmaalaan dad ka badan 2 bilyan oo qof oo dunida ku nool, iskaashani dhex maray Worldremit iyo Android wuxuu u gogol xaadhaya guul taariikheed oo dhinaca tiknoolajiyadda iyo fududaynta dirista lacagaha ah oo aan weli taariikhda hore uga dhicin, waxaana ay faa'iido weyn u noqon doonta macaamiil malaayiin qof ah oo ay ku adkayd inay lacagaha si fudud u diraan" 

Pali Phata oo ah madaxa tiknolajiyadda ee shariikadda Google oo iska leh barnaamijka Android, ayaa isaguna wuxuu sheegay in iyagoo iskaashanaya Worldremit ay doonayaan inay bedelaan hannaankii maaliyadda dunida, wuxuuna ku tilmaamay tallaabo taariikh gal u noqonaysa balaayiin qof oo koonkani ku nool "hadday ku adkayd qofka beerlayda ah, ama qofka ka fog goobaha magaalada inuu Account samaysto, maanta taasi waxaa ka maaransiisay barnaamijkani ay Google iyo Worldremit iska kaashadeen" ayuu yidhi madaxa tiknolajiyadda ee Google Pali Phata.

Halbeegnews, London
contact@halbeegnews.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
Advertisement