Taliyaha Booliska Somaliland: Duudsi, Dayac iyo Dil Ayaa Lagu Xasuusan Doonaa

0
Thursday June 15, 2017 - 05:39:34 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 350
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Booliska Somaliland: Duudsi, Dayac iyo Dil Ayaa Lagu Xasuusan Doonaa

    Waxa lagu xasuusan doonaa in uu Gaashaanle Sare Maxamuud Ducaale ku eryay kaddib markii uu diiday in uu xabbad ku furo dad shacab ah oo soo dhawaynayay Guddoomiye Cirro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa lagu xasuusan doonaa in uu Gaashaanle Sare Maxamuud Ducaale ku eryay kaddib markii uu diiday in uu xabbad ku furo dad shacab ah oo soo dhawaynayay Guddoomiye Cirro
Cabdillaahi Fadal Iimaan waa taliyaha ciidanka Booliska Somaliland intii uu xilkan hayay waxa lagu xasuusan doonaa in uu qasay nidaamkii booliska. Waxa uu Gaashaanleyaal ka dhigay niman aan hore ciidan u ahaan jirin sida Taliyaha Qaybta Gobolka Saraar oo Macallin ahaa.

Waxa lagu xasuusan doonaa in uu Gaashaanle Sare Maxamuud Ducaale ku eryay kaddib markii uu diiday in uu xabbad ku furo dad shacab ah oo soo dhawaynayay Guddoomiye Cirro, taasna uu xilkii kaga qaaday masuulkaas. Waxa lagu xasuusan doonaa dayaca Addisababa ku haysta Taliye Cabdi Kayd Halab Taliyihii Saldhigga Qudhacdheer oo ku dhaawacmay hawlgal nabadgelyo, isla markaana uu boolisku dhegaha ka furaystay daryeelkiisa.



Abwaan Maxamed Maxamuud Yuusuf ayaa gabaygan ku cabbiray waxyaabahaas xagga sare ku xusan:

 

Cabdillaahi maangaab shabiga, maaruqaad tahaye

Intii aad mu’aamarad dhigtaan, maluhu koobayne

Milgihiyo bilayskii lahaa, muuno lagu dhaato

Markii uu ku magacaabay baad, maydhay sharaftiiye

Maamuuska ruuxii geyaa, lagu macsuumaaye

Derejada sidii ugu mudnayd, looma maamuline

Maalmuu askari kuu ahaa, waana loo marage

Mursalkaad Saraar geysay baan, maanka gelahaynne

Inuu Macallin Gaashaanle yahay, waa markhaati-la’e

 

Markay miishan lagu hawlgaliyo, maaro qaran joogto

Maxamuud Ducaalaa ahaa, geesi noo muddhaye

Cirro waa masuul qaayo badan, maamulkii qarane

Madaxweyne wuu noqonayaa, maalmo dabadeede

Markii uu madaarkiyo dhex yimi, minanka ciiddiisa

Muxubbiyo riyaaq bay bulshadu, ugu muraaqeene

Maadhiin WADDANI shiishayaan, maangal noqonayne

Kolkaad tidhi "mishiiggaan ku rida”, maandhe shacabkiinna

Isna uu "Mayaay” yidhi intaas, laguma maageene

Mansabkiisa waxa looga diray, waa maroor darane

 

Cabdi Keydna madax buu ahaa, maamul loo xulaye

Isagoo mir dhexe waajibkii, madaxa loo saaray

Iyo maaro doonaaya bay, baas rag mariyeene

Nin masiibo gaadhaan kolnaba, laga masuugeene

Daryeel iyo wuxuu kaa mudnaa, maal in loo huro’e

Miigganne xilkiisii gutaad, "mooyi” leedahaye

Madashii Addiis iyo kolkii, maaro lala doonay

Manaxow wuxuu nolol-qudhmaa, mawdki oon diline

Mijirkaa wixii loo dayacay, waa magaannimo’e

 

La soco

Nuura Cabdi Muuse

nuracmuuse@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
Advertisement