Ciidamadda Booliiska Hargeysa Oo Xabsiga Dhigay Sheekh Ismaaciil Cumar Madar Oo Dhawaan Dalka Emirateku Ka soo Musaafurisay Emirateka Isagoo Ka Qayb Gallaayay Tartanka Quraanka Ah. Sheekh Ismaciil Ayaa Martiqaad Ka Helay Dalka Qatar

0
Friday June 16, 2017 - 03:25:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidamadda Booliiska Hargeysa Oo Xabsiga Dhigay Sheekh Ismaaciil Cumar Madar Oo Dhawaan Dalka Emirateku Ka soo Musaafurisay Emirateka Isagoo Ka Qayb Gallaayay Tartanka Quraanka Ah. Sheekh Ismaciil Ayaa Martiqaad Ka Helay Dalka Qatar

    Warka HALBEEG Heshay Ayaa Tibaaxaya in Sheekh Ismaaciil Cumar Madar Uu Martiqaad Ka Hellay Dawladda Qatar Isla Markaana Saaka Usii Jeeday Doha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warka HALBEEG Heshay Ayaa Tibaaxaya in Sheekh Ismaaciil Cumar Madar Uu Martiqaad Ka Hellay Dawladda Qatar Isla Markaana Saaka Usii Jeeday Doha
Khamiis 15 June 2017 Hargeysa (HALBEEG)-- Sheekh Ismaaciil Cumar Madar oo ah sheekh yar oo dhawaan isagoo ku sugan dalka Emirateka, kagana qayb gallaayay tartanka quraanka kariimka ah, ay dawladda Emirateku ka soo musaafurisay, sabab la xidhiidha mawqifka dawladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka u dhexeeya dalka Qatar darteed, ayaa maanta lagu xidhay magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa.
Sida ilo ku dhaw dhaw Sheekh Ismaaciil ay shabakaddani HALBEEG u xaqiijiyeen, Sheekh Ismaaciil Cumar Madar, ayaa ciidamaddu ka qabteen goob u dhaw madaarka magaalada Hargeysa, isagoo xilliga doonaayay inuu ka dhoofo dalka, isagoo usii  jeeday magaalada Doha ee dalka Qatar, isagoo ka hellay dalka Qatar martiqaad uu u fidiyay amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xaamid Al Khaliifa.


Telefishanka Aljazeera qaybta ku hadasha luuqadda carabiga, ayaa habeen hore laga sii daayay dhacdada ah in Sheekh Ismaaciil laga musaafuriyay dalka Emirateka, waxaanay taasi keentay in dawladda Qatar, ay Sheekh Ismaaciil yare u fidiso martiqaad.

Warar ka aanu ka hellayno magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale xaqiijinaya in dawladda Qatar ay siisay Sheekh Ismaaciil degenanaansho rasmi ah, taasina waxay ka cadhaysiisay xukuumadda Siilaanyo, oo iyadu hore u sheegtay inay khilaafka Qatar iyo huwanta Sacuudigu hogaamiyo ee Emirateku ka mid yahay, ay la safatay dhinaca huwanta.

Wararkii ugu danbeeyey ee shabakadda HALBEEG ka hellayso Hargeysa ayaa tibaaxaya in Sheekh Ismaaciil yare lagu sii daayay damiin maanta gelinkii danbe, iyadoo la filayo inuu dhawaan ka dhoofo Hargeysa, una sii jeeda magaalada Doha ee dalka Qatar.

Xadhiga Sheekh Ismaaciil Oo Boqolaal Reer Somaliland Dhaleeceeyeen

Mareegayaasha bulshada sida Facebook ayaa xadhiga Sheekh Ismaaciil Cumar Madar ka dhaliyay dood badan, waxaana ay keentay in boqolaal qof oo reer  Somaliland ahi ay dhaleeceeyaan qaabka foosha xun ee ay xukuumadda Siilaanyo ula dhaqmayso Sheekh Ismaaciil yare oo ay ahayd marka horaba in musaafurintiisa ay ka hadasho.


Halbeegnews, Hargeysa
contact@halbeegnews.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
Advertisement